Uncategorized

Qaraxii Sadexaad ee Banbo Shaanida oo ka Dhacay Goob u dhow Madaxtooyada Somaliland Iyo Sarkaal ku dhaawacmay

Hargaysa 01.June 2014 (SDN/QJ)- Qarixii sadexaad ee bambo shaaniya ayaa lagu qarxiyey afaafka hore ee Matabadii Masaarida oo Galbeedka ka xigta Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sida ay noo Xaqiijiyeen dad goob-jooga, waxaanu warku intaasi ku daray inuu qaraxani dhacay abaaro 6:20-daqiiqadood oo ku beegnayd wakhtigii Salaada maqrib.

Sarkaalka ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta oo lagu sheegay magaciisa Maxamed Dheere ayaa la sheegayaa in uu Qaraxu haleelay isagoo gaadhigiisa wata isla markaana ku soo socday dhinaca Xafiiska, lamana garanayo cida ka danbeysay qaraxan, hasayeeshe waxa uu qaraxani la kowsaday uun Khilaafka cakiran ee hadheeyey Xisbul-Xaakimka talada haya ee KULMIYE, kaas oo sababay inuu laba garab u qeybsamo.

Qaraxan bamboo shaanida ayaa waxa uu werwer ku abuurey guud ahaan shacabka reer Somaliland, kuwaas oo ka baqa qaba inay wax kale u soo hoos raacaan, isla markaana amaanka wax yeeleeyaan.

Taliyaha Ciidaanka Booliska Somalilad Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu hore u shaaciyey inay dad u soo qab-qabteen labadii qarax ee hore ee ka dhacay Caasimada Hargeysa, kuwaas oo aanay cidina waxba ku noqon, balse isu socodkii magaalada hakad-geliyey.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com