Uncategorized

Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada oo Talo Waayeel u Jeediyay Dhinacyada Khilaafka Kulmiye

Nairobi 01.June 2014 (SDN/QJ)- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland,ayaa talo waayeelnimo u soo jeediyay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE,Saxaafadda iyo Xukuumadda uu ka tirsan yahayba isla markaana kula dar daarmay inay wada ilaaliyaan nabad gelyada iyo xasiloonida dalka isla markaana tilmaamay in xukuumadda maanta jirtaa ay tahay Somaliland intii ay jirtay xukuumaddii ugu wax qabadka badnayd waxaanu intaa raaciyay in loo baahan yahay in horumarkaa wakhtiga kooban ku hir galay in la wada ilaaliyo.

Dr Maxamed Rashiid Sheekh XasanWaxaa kaloo uu soo jeediyay in khilaafka KULMIYE wada hadal aan turxaan lahayn in lagu soo afjaro.

Wasiirudawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo qoraal kooban ka soo saaray xarunta dalka Kenya ee Nayroobi ayaa u dhignaa sidan.

Bismilaahi al-Raxmaani al-Raxiim, ujeeddada guud ee aan qoraalkan kooban u soo qoray waxa ay tahay in aan waano u soo jeediyo Xisbiga KULMIYE, oo khilaaf soo kala dhex galay beryahan. Sida aynu ka warqabno Xisbiga KULMIYE waa Xisbi Muhiim ah oo hadda majaraha talada dalka haya, isaga oo xukuummaddii ka dhalatay ee uu hogaamiye u yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ay horseeday horumar la taaban karo oo aynu dhammaanteen ka markhaati kacayno.

 

Tan iyo markii ay Soomaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda iyo dawladnimadeeda, dawladihii soo maray dalka wixii ay qabteen waxaa ka badan wixii ay qabatay

 

Muddadaa kooban dawladda KULMIYE ee uu hogaanka u yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Haddaba, waxa aan ku talinaya in khilaafkan yar  ee soo dhex galay Xisbiga Kulmiye aanu carqalad ku noqon horumarka aanu markasta aan la doonayno umaddeena iyo wadankeenna. Waxaan maalin walba arkeynaa waxa jaarkeena ka socda. Marka ay noqoto nabad waa in aynu meel uga soo wada jeedsanaa illaalinteeda iyo xoojinteeda.

 

 

Waxaa xusid mudan in doorashadii 2003 in Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), isaga oo ka doorbiday nabadda iyo xasiloonida Somaliland, uu uga hadhay doorashaddii  80 cod oo kaliya. Waxaa caado u ah ummadda reer Somaliland  in ay arrimahooda ku dhameeyaan wadahadal, walaaltinimo, is-maqal, xaq-dhowr iyo waliba isku-tanaasul.

Haddaba, waxaan ku talinayaa in guddigu si dhakhso ah u xaliyaan khilaafkan.

 

Waxa kale oo aan saxaafadda kula talinayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo sii kala fogaynaya Xisbiga KULMIYE, kana shaqeeyaan sidii uu khilaafkan u xalismi lahaa.

Dhinaca masuuliyiinta KULMIYENA waxa aan iyagana ka codsanayaa in ay hadaladda xanafta leh ka fogaadaan.

 

Illaahay Nabada ha inoo ilaaliyo. Aammeen

Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan,

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga, Nairobi, Kenya.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com