Markuu Siyaad Barre ka soo noqday dalka Ruushka, ayaa qeybta baratakoolka ee madaxtooyadu waxay diyaar-garaysay maalinta koowaad marka uu nasto madaxweynuhu maalinta labaad inuu la kulmo golaha kacaanka iyo golaha wasiiradda, maalintaa iyo kulankaa ka bacdina , wuxuu islamaalintii ka dambaysay balansaday madaxweynuhu shantii golaha sare ee kacaanka iyo waaxdii cusbayd ee uu gaashaanle sare hoos-u-jeed madaxda ka ahaa iyo saraakiishii sarsare ee waaxdaa cusbayd ka tirsanayd inuu la kulmo, markaa Hoos-u-jeed, oo warbixin sida, ayaa wuxuu soo raacay Axmed Saleebaan Dafle oo ahaa madaxa nabad suggida, markaa wuxuu ka qeyb galiyey markii ugu horaysay shirkii uu Siyaad Barre warbixinta kaga bixinayey safarkii ciraaq iyo Ruushkaba, arrinttaas oo uu Hoos- u-jeed aad ugu farxay , Maxamed Siyaadna wuxuu u soo bandhigay golihii kacaanka iyo golihii wasiiradaba heshiisyadii ay kala sexeexdeen iyagiyo Ruushku , isagoo aad ugu faraxsan aaminsanna inuu guul weyn soo hooyey. markii loo akhriyey heshiiskii ayuu shirkii soo xidhay, waxaanu kula dardaarmay oo uu yidhi ‘maanta maalin aynu ka adagnahay ma jirto, maadaama quwadii ugu waynayd adduunku garabkeena taagan tahay’, intaasi markay dhacday, ayaa haddana shir gooniya oo qorshaysnaa waxa ka soo qeyb galay shantii ugu saraysay golaha kacaanka iyo Hoos-u-jeed oo isagana ay la socdaan saddex nin oo raggii ugu muhiimsanaa ee waaxdaa nabadsuggida ee dabagalida suugaanta iyo abwaanada ka tirsanaa loo soo beddelay, raggaas soo raacay ee dibadda ku sugayey shirkii hore waxa ka mid ahaa, Yaasiin qorhe, oo ahaa nin Barwaani ah, oo ka soo baxay jaamacada ugu qiimaha badan leh ee milatariga dalka Masar, qeybteeda qorshaha (military planning), waxaanu u qaabilsanaa qeybta qorshaynta ee waaxdan cusub ee dabagalida suugaanta, ninka labaad ee la socdayna wuxuu ahaa nin la odhan jiray Maxamed waxaana lagu naanaysi jiray Magafe,waxaanu u qaabilsanaa hawl-galinta, ninka saddexaad waxa la odhan jiray Maxamed saalax, oo isaguna u qaabilsanaa Maaliyadda iyo bajadka, saddexdooduna waxay ahaayeen gaashaanleyaal dhexe, iyagoo 3daa nin laga soo beddelay ciidankii qaranka ee milatariga, mid ka midana waxa laga soo beddelay bilayska, waxa kale oo loo yeedhay oo shirkaa ka qeyb- galayey madaxda kala duwan ee ciidamada iyo qof kasta oo muhiim ahaa oo aan arrintan looga maarmayn. markaa intuu shirku socday waxa kacay ninkii la odhan jiray gaashaanle dhexe yaasiin-qorshe, oo soo bandhigay qorshe sannadeed qeybtan cusubi ay ku hawl galayso, qorshahaas oo markii yaasiin dhameeyey gaashaanle sare hoos u eed uu u soo jeediyey madaxdii:
in muddo sannad ah la siiyo, oo ay hawshan ku soo gabagabeeyaan, saddexdii biloodna ay warbixin keenaan oo ay la toos ula soo xidhiidhaan shanta golaha sare ee kacaaanka, islamarkaana miisaaniyada waaxdan cusub la siiyo imika saddex jibaar loo kordhiyo tan imika la siiyo, hawsha baaxadda leh awgeed, In waaxdan cusub la madax-banaanaysiiyo , amarkana ay ka qaataan, warbixintana ay u gudbiyaan shanta sare ee golaha kacaanka. In arrinta ay wadeen Cabdi Qays iyo Hadraawi ee ay kaga soo horjeedaan Siyaad Barre laga hortago maadaama aanay dan u ahayn soomaaliya, In arrintan ay abwaannad la beeleeyo oo lagu koobo isaaq inay balaayo waddaan, In odayaasha reerka, ee labada abwaan ka soo jeedaan loo diro odayaal, oo ay soo maslaxaan, si ay uga noqdaan hawshan kicinta bulshada ah, haddii labadaa qorshe lagu guuldaraysto in loo balan qaado lacag waxay dalbadaan. In lagu eego in xilal loo dhiibo, oo boosas fiican laga siiyo safaaradaha dibada, si ay faraha ugala baxaan arrimaha ay ku jiraan, In abwaanada waddanka jooga oo dhan la maal-galiyo, si ay nimankaa sumcadooda u dilaan, oo ay u khalkhaliyaan, In loo cagajugleeyo, oo la baqo-galiyo, oo lagu eego inay taasi dowo u noqoto, In gobolada oo dhan loo diro golaha wasiirada iyo kacaanka, si dadweynaha looga digo labaadaa nin dabka ay hurinayaa, In ragga aad Qur’aanka u yaqaana, ee ay markii hore isticmaali jireen la adeegsado, oo ay ku akhriyaan si ay ugu joojiyaan abwaanada digniinaha ay bixinayaan iyo baraarujinta. haddii ay taasi socon waydo in la soo ururiyo qolooyin karaame leh oo nimankaasi karaamo ku aamusiiya, hadday intaa ku joogi waayaana sixir lagu eego, In Raadiyow Muqdisho iyo Raadiyow Hargeysa waddanka oo dhan la gaadhsiiyo, oo laga mashquuliyo dadweynaha labadaa abwaan iyo abwaanada kale ee ku hawlan kicinta dadweynaha, Talaabooyinkaasi haddii ay shaqayn waayaan, in xadhiga adag oo muddo dheer ah la xidho. Ama si hoose loo khaarajiyo.
Maxamed Siyaad Barre oo aad u aaminsaa gaashaanle sare Hoosujeed, ayaa aad iyo aad raali uga noqday qorshahaa sanadka ah oo aynaan halkan ku soo koobi karayn, markii ay gabagabdii ku dhow yihiin, ee ay dhammeeyeen, ayaa wuxuu kula dardaarmay inay si degdeg ah u hawl-galaan, arrintaasna si degdeg wax uga qabtaan , talo iyo tusaale iyo gacana ay la barbar taagan yihiin, islamarkaana loo keeni doono , 3 jannan oo la-taliyeyaal oo dalka Ruushka ka socda oo ka ugu yari 50 sannadood uu ka shaqaynayey hawlaha nabad-suggida, ee dalka Ruushka, hawshu markay gabagaba taagan tahay, ee sharaab la dalbaday, ayaa Siyaad Barre oo uu dhiniciisa midig fadhiyey Cali Samatar, ayuu si hoose dhegta ugu saaray in imika uu dalbado oo loo keeno, darajada janaraalnimo iyo saddex xidigood oo wadda socda kuwaas oo uu ugu talo galay Hoosujeed in jannan laga dhigo , saddexda kale ee sarkaalna gaashaanleyaal sare laga dhigo, isagoo ku faraxsanaa qorshihii waxqabad ee ay soo bandhigeen, markaa waxa kacay Cali samatar oo tegay xafiiskii ay madaxtooyada uu ku lahaa , waxaanu gacanta ku qabtay telefoonkii yellowga ahaa ee isaga u gaarka ahaa, ee aan cidi dhagaysan karayn, wuxuuna la hadlay askari gaashaanle dhexe ah oo ka madaxa waaxda darajo bixinta ee ciidanka , wuxuuna amar ku siiyey 15 daqiiqo gudohood inuu ku keeno xiddigaha iyo wixii darajadaa la xidhiidha , wax-yar ka bacdiba waa la keenay darajooyinkii wuxuuna ku taxay Hoosujeed oo jannan laga dhigay iyo 3dii nin ee ka hooseeyey hoosujeed oo lagu taxay darajooyinkii waxaana laga dhigay gaashaanleyaal sare, si loogu dhiirigaliyo darajooyinkaas si ay hawshaa loo diray uga soo baxaan sida ugu wanaagsan ee hawlkarnimo ku dheehan tahay. Markii uu shirkii dhammaaday, ee uu ka soo baxay Hoosujeed,ee uu xafiiskiisii tegay, ayaa waxa la soo hadlay inankiisii oo muddo dhowr iyo toban sannadood ah aanay wada hadlin wuxuuna ku yidhi ‘aabbo naftani meel ma jirto inagoo isku cadhoonaynana ma doonayo inaynu kala dhimano, wixii aynu ku kala tagnayna waxa weeyi hooyaday sidii aad u gashay, oo aanad adigu xumaan ugala jeedin , ee shaqadaada aad wax-walba ka horaysiin jirtay, markaa aabbo waxaan doonayaa xajka soo socda inaynu wada tagno, oo aynu halkaa ku ducaysanno’, General Hoosujeed waligii maalin uga qiimo badnayd muu arag maalintaa , labadii arrimood ee uu ku hamiyi jiray intaanu dhiman ayaa labadiiba maalin kaliya dheceen , islamarkaana martiqaadkii golaha kacaanka ,iyo golaha wasiirada lagu martiqaadayna wuu ka mabsuuday, sidoo kale nimankii abwaanada ahaa ee Cabdi Qays iyo Hadraawi shaqadoodii tilmaanta, ee dadka ay ku toosinayeen in xukunkani yahay mid faasida, oo uu cidhib-xumana ku dambaynayo ayey halkii ka sii wateen, dadkiina way ka dhergiyeen, sheekadiina waji labaad ayey isku beddeshay oo baraarujintii bulsho weynta reer soomaaliya iyo raadgurridii Siyaad Barre, ee la raadguray waxay ku dhammaatay inay abwaanadu hantiyaan maskaxda bulshada reer soomaaliya, hawshaas oo ay u fayteen. Wakhtigaa aynu ka hadlayno isbeddelo waa-weyn iyo guulo uu kacaanku soo hooyey ayaa jiray, waxyaalihii dhacay ee dadku aad uga raali noqday waxa ka mid ahaa:
in afsoomaaligii la qoray, inay nabadii meel walba gaadhay, in wax-soosaarki iuu kordhay, in wershado la furay, in luuqadda Carabiga dadka la baray, in abaartii daba-dheer si fiican loo maamulay, inay qorsheeyeen sidii bacaadka beeraha ku soo fidaya wax uga qaban lahaayeen, inay siyaasadii dibada ee waddamada carabta iyo Afrikaanka gaar ahaan ay guulo badan ka soo hooyeen, waxa kale oo ay dowladdu la wareegtay ajanabigu shirkadihii ay lahaayeen waxaana la daryeelay shaqaalihii iyaga u shaqaynayey, waxa kaloo iyaguna soo kordhay in reer miyi badani magaalada soo galay abaaro awgeed, oo ay markaa u fayteen dadweynihii inay u dhoofaan dhinaca waddamada carabta, oo ay shaqooyin ka doontaan qaarna ay ciidamada isku shubeen, iyadoo caasimadii muqdishana loo eekaysiiyey caasimadaha kale, kuwaas iyo kuwo kaloo badan ayaa wakhtigaa si fiican ugu hirgalay.
Waxyaalaha dadweynuhu markaa ka biyo diidanaa waxa ka mid ahaa:
- 1. Dadkii oo xorriyadii laga qaaday, oo la cabudhiyey , oo ciddii juuq tidhaahdaba la xidho ama la dilo.
- 2. Dilkii Caynaashe iyo Salaad Gabayre , oo dil xaqdarro ah lagu dilay, isagoo Siyaad Barre ugu quus-goynayey inaan cidina milatariga dhaqdhaqaaqin, taasna wuxuu u samaystay maxkamad milatari, oo xukunkeedu adag yahay, waxa kale oo dadku aad uga biyo diideen, dilkii wadaadada waxba aan galabsannin, oo iyadana uu ugu quus-goynayey wadaadada.
- 3. In dadkii siyaasiyiinta ahaa, ee ay xukunka ka inqilaabeen ee xidhnaa aan wali soo daynin, iyo cabudhin siyaasadeed oo xad-dhaafa oo taagnayd oo ay dadweynuhu hadiyo jeer ka codsan jireen.
- 4. Iyo iyaga oo aan cayimin wakhtiga ay shicibka ku celinayaan xukunka, adduunweynuhuna culays ku saari jireen.
- 5. Waxa kale oo ay dadku ka biyo diideen dadkii layska tooganayey, ee dowladda u shaqaynayey, ee qofka 100,000 lunsada lagu toogan jiray.
Dhinaca kale iyadoo ay jiraan arrimahaasi ay shacabku ka biyo-diideen, ayaa Siyaad Barre adduunweynihii iyo madaxdii Afrikaankii aad u soo dhoweeyey , qiimo gaarana wuu ku yeeshay, islamarkaana wuxuu yeeshay ciidan milatari iyo filifoos, oo todobaatan kun ah oo si fiican loo tababaray, oo hub fiicanna la siiyey.
Sidoo kale dowladdu waxyaalaha ay kula dagaalamayso abwaanada waxa ka mid ahaa, oo ay xoogga saareen labada idaacadood ee Raadiyow Hargeysa iyo Raadiyow Muqdisho inay waddanka wadda gaadhaan, barnaamij barobogaando ahna dadka ay ku furan, si ay dadku uga soo leexdaan abwaaniinta, idaacadahana waxa ka bixi jiray barnaamijyo qiimo leh oo maskaxda dadka lagu jiidanayo, sidoo kale wargeys afka dowladda ku hadla , oo isagana aad loo dhisay, markaa abwaaniintii waxay raadguridii u beddeleen kasbashada maskasxda dadweynaha , halkaasna waxa ka dhacay kooxdii Hoosujeed iyo abwaaniintii oo dagaal kulul dhexmaray. Markaa waxa bilaabmay hoos u jeed iyo ciidankiisii inay digniino siiyaan nimankaa abwaanada ahi inay ka joogsadaan mucaaradnimada , taasi markii ay u shaqayn waydana waxay bilaabeen cagajuglayn iyo handadaad, labadii abwaan iyo intii kula socotay mabda’aasi waxay heleen taageero cajiib qabta, oo dadweynaha ah gaar ahaan reer sh. Isaxaaq, markaasi waxa isku soo faramuruxsadday labada nin ee Hadraawi iyo Cabdi Qays, abwaanadan oo geed-adayg u dhashay, oo aan la loodin karayn lana iibsan karayn, mabda’na ku dagaalamaya, dhinaca kalena waxa ka soo jeeday general Hoosujeed, oo isaguna geed-adayg iyo maskax cajiib qabta u dhashay, dabadana ku wata Siyaad Barre iyo Cali Samatar oo taageero badan oo dibada ah iyo mid gudahaba haysta, iyadoo Khaladaadka ay galeen Hoosujeed iyo Kacaanku ay ka mid ahayd, inay yaraysteen labadaa abwaan oo aanay habayaraatee wax aqoona aanay u lahayn. Abwaanadaas oo hibo gaara wata iyo awood ilaahay ku ladhay, maadaama ay ku guuldaraysteen inay bakhtiiyaan dabkii ay huriyeen abwaanadu, iyagoo ku guulaystay inay ujeedooyinkii ay lahaayeen ay gaadhaan, Waxaana taa kuu cadaynaya cajiibnimada abwaanadan iyo waxyaalaha ku lammaan, 1992kii meel aanu ku qayilaynay, ayuu Cabdi Qays daf soo yidhi siday sheekadaasi ku timid ma sii xusuustee wuxuu ka sheekeeyey nin jin ah oo boqora oo qolada gaalada ah inuu jeclaaday inan reer Hargeysa ah, sidii aanu afkiisa u eegaynay, sheekadaas oo cajiib qabtay, oo laba jeer oo danbe qaad la soo qaaday, ayaa salaadii subax aanu u kacnay, isagoo dhammeeyey markaasuun sheekadii. La soco axadda soo socota…..
