Burco 18.June 2014 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee Lab qof ayaa ku geeriyooday Shan kalena way ku dhaawacmeen Shil baabuur oo maanta ka dhacay Duleedka Burco.
Sida ay Qurbejoog Khadka Telefoonka Ugu Xaqiijiyay Agaasimaha Cisbitaalka Burco Waxaa Shilkan baabuur ku naf waayay Laba Marxuun oo la Kala Odhan Jiray alle ha u naxariistee Xuseen Ceerigaabo iyo Yuusuf Maxamed Diiriye .
Waxaa kale oo shilkan ku dhaawacmay
1.Sidiiq Xirsi Cismaan
2.Sulaymaan Jaamac Xayd
3. Qadaro Axmed Abokor
4. Axmed Ciise Madar
5. C.raxmaan Muuse
Marxuunka Shilkan ku naf waayay iyo Kuwa kale ee Ku dhaawacmay ayaa ka qayb qaadanayay Soo dhawayn loo sameeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Safar shaqo saaka ku tagay Magaalada Burco.
Dhibnayaasha Shilkan ku dhaawacmay ayaa Xaaladooda Caafimaad lagu dawaynayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco.
Burco SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
