Laascaanood 02.Oct 2014 (SDN/QJ)- Deegaanno katirsan gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay roobsadeen.
Sida uu ku Soo Waramayo Weriyaha Qurbejoog ee Gobolada bari ayaa Sheegay in roobku da’ayey 10 saacadood oo Xidhiidh ah
Wariyuhu ma sheegin khasaare ka dhashay roobka, marka laga reebo warlalis ay magaalada Yagoori ku leedahay shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo ay cilladi ka soo gaadhay roobka.
Deegaanno miyi ah oo ka tirsan gobolka Sool oo la malaynayo in ay roobsadeen ayaan la hubin in uu jiro khasaare ka dhashay roobka.
Laascaanood SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
