Uncategorized

Jiido Ka Tirsan Gobolka Sool oo uu Toban Saacadood oo Xidhiidh ah Roobku hayay

Laascaanood 02.Oct 2014 (SDN/QJ)- Deegaanno katirsan gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay roobsadeen.

Sida uu ku Soo Waramayo Weriyaha Qurbejoog ee Gobolada bari ayaa Sheegay in roobku da’ayey 10 saacadood oo Xidhiidh ah

Wariyuhu ma sheegin khasaare ka dhashay roobka, marka laga reebo warlalis ay magaalada Yagoori ku leedahay shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo ay cilladi ka soo gaadhay  roobka.

Deegaanno miyi ah oo ka tirsan gobolka Sool oo la malaynayo in ay roobsadeen ayaan la hubin in uu jiro khasaare ka dhashay roobka.

Laascaanood SDN/QJ

contact@qurbejoog.com