Jidda 05.Oct 2014 (SDN/QJ)- Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday tirada rasmiga ah ee Xujaajta gudatay waajibaadkii Xajka.sanadkan 1435 taariikhda hijriyada
Warbixin kama dambays ah oo ay soo saartay wasaaradda Xajka ee Boqortooyada waxaa lagu sheegay inay xujaajta sanadkani tiradoodu gaadhayso Labo Milyan, iyo sideetan iyo shan kun, kuwaas oo Milyan iyo afar boqol oo kun oo ka mid ahi ay ka yimaadeen dalka Dibadiisa.
Dhanka kalena shaqaalaha difaacul-Madaniga ee dalka Sucuudigu waxay sheegeen inay gacanta ku qabteen dab ka qarxay gaadhi kuwa korontada ku shaqeeya ah ah magaalada Mina, kana mid ah gaadiidka loogu talo galay inay u adeegaan xujaajta laxaadka wax ka qabta iyo kuwa xanuunsanaya
Kornayl Cabdallah bin Saabit Al-Xaarizi oo ah madaxa waaxda warfaafinta ee ciidamada ka hortaga masiibooyinka ee loo yaqaano difaacul-madani ayaa sheegay in gaadhiga nooca wiishka ah ee dabku ka kacay uu siday sagaal qof isla markaana aanay jirin wax waxyeello ah oo soo gaadhay, baadhitaana lagu hayo sababta dabkaasi u kacay.
Jidda SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
