Uncategorized

““Askarigu Ninka qortay ee Mushaharka siinaya ayuun buu amarkiisa qaadanayaa,”Musharax Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 05.Oct 2014 (SDN/QJ)- Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga  mucaaridka ah ee UCID  Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, si adag uga hadlay ciidanka loo samaynayo ilaalinta shiradaha baadhista shidaalka dalka oo uu tilmaamay in ay dalka ku keeni karto dagaal sokeeye oo dalka ka bilaabma isla markaana abuuri kara in dadku is wada hubeeyaan.

Musharaxa xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen waxaa kale oo uu Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay abuurayso ciidan hubasyan oo aan la garayan cid xukunta ama maamusha oo uu  ka tirsan yahay waxaanu ka digay aasaaska ciidankaas  waxaanu dar daaran ugu soo jeediyay bulshada iyo xukuumaddaba in laga fiirsado arrintasi dhibaatada ay keeni karto.

“Xukumaddeenu waxay si badheedh ah u samaynaysaa, Ciidan aan la garanayn cid Alle cid ka masuul ah.sida la sheegayo waxa uu Ciidankani ilaalinayaa Kambaniyada Saliida baadhaya, waar hooy arinkaas halaga digtoonaado,Waar hooy arinkaasi dagaal sokeeye ayuu inagu bilaabi karayaa,Waar hooy Ciidankaasi oo kale ayaa wadamo badan oo Africa ah halaag ku abuuray” ayuu yidhi Mud.Jamaal Cali Xuseen.

Musharax Jamaal oo arintan ka sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan ka soo horjeedaa oo aan Xukumaddana kula talinayaa inay ciidankaasi ka waantowdo,kaasi oo dalka Fawdo ku abuuri kara.bal tusaale ahaan ciidankaas oo talada ama go’aanka ka qaadanaya shirkaddaha Caalamiga ah ee Badroolka baadhaya, haddii ay reeraha Shidaalka laga ag qodayo ay isku dhacaan waxaa ka abuurmaysa fidmo,wax dawladdu ka qaban karaysana ma jirto”

Musharax Jamaal waxa uu ku celceliyay in Ciidankan Aasaaskiisu baalmarsan yahay Dastuurka “Askarigu Ninka qortay ee Mushaharka siinaya ayuun buu amarkiisa qaadanayaa,waxaan leeyahay arinkani maaha arin ciyaar ah,waa arin khatar inagu abuuri karaya,waa arin ka soo horjeeda Dastuurka Somaliland.Dawladda waxaa laga doonayaa inay noqoto ta Sharciga dhawraysa ee maaha inay noqoto mid si Indho la’aan ah Sharciga u jabinaysa” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Dhawaan ayuu Madaxweynaha Somaliland  Digreeto ku aasaasay Ciidanka ilaalinta Sahaminta iyo Soo saarista Shidaalka(Oil Protection Unit) oo hoos tegaya  Booliska.Ciidankan waxa fikirka lagu abuuray ka yimid Shirkaddaha Shidaalka oo ka cawday amaan darro l ay kala kulmeen deegaano ay ka hawl galeen oo ay sababo la xidhiidha arrimo nabad gelyo xumo ay sheegeen in ay uga bexeen una joojiyeen shaqadii sahaminta shidaalka ee ay ka wadeen.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com