Uncategorized

Qaar Ka mid ah Wariyaayaashii iyo Hawl wadeenadii StarTV oo Si Rasmi ah uga mid noqday Shaqaalaha TV-ga Qaranka Somalia.

London 05Oc14(SDN/QJ) Qaar Ka mid ah Wariyaayaashii iyo Hawl wadeenadii StarTV oo Si Rasmi ah uga mid noqday Shaqaalaha TV-ga Qaranka Somalia.ka dib markii tvgas hawada ka baxay Xubnahan oo  ka mid ah Wariyayaashii ka hawl gali Jiray StarTV ayaa waxa ay  si Rasmi ah uga mid noqdeen Shaqaalaha TV-ga Dawlada Somaliya Xarunta uu ku leeyahay Dalka Ingiriiska ee Magaalada London.Xubnahan oo Kala ah C/raxmaanDaacad, Maxamed Cusmaan Bidaar iyo Madaxii Farsamada Maxamuud Cabdi Galool ayaa dhamaantood si toos ah uga hawl gali doona TVGa Qaranka Dalka Somalia,iyaga oo halkaas kasoo tabin doona Barnaamijyadii looga bartay ee ay kasoo tabij jireen TVga Star siiba falada warka oo dad badani aad ugu xirnayeen

Dhinaca kale Wariyadda Ruug Cadaaga ah ee Aamina Muuse Weheliye oo iyadu haatan ah Madaxa MaamulkaTVga Qaranka  Soomaaliya oo Xaruntiisu tahay London ayaa waxay  Xaflad soo dhaweyn ah u Samaysay Shaqaalaha Cusub ee kusoo biray,

Ugu danbayntii Wariye yaashan iyo Farsamayaqaanad Cusub ee k a mid noqday TV-ga Qaranka Somaliya ayaa lafilayaa in ay wax badan ka badali doonaanTVga qaranka Somaliya .

somalia-star