Barawe:Oct,05,2014(SDN/QJ)-Magaalada Xeebta ku Taalla ee Barawe ayaa ugu dambayntii waxa ay goor dhaweyn gashay Gacanta Ciidamada Dawladda Federalka ah iyo kuwa Amismo, kadib markii ay Halkaas iska baxeen Xoogagii Al-shabaab.
Saacadihii hore ee Saaka ayaa waxa Magaalada Isku ballaadhiyey Boqolaal katirsan Taangiyada ay wataan Ciidamada kala duwan ee Amosom iyo Dawladdu, waxana sidoo kale Magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo fara badan oo lugaynaya, kuwaas oo fadhiismo ka samaysanaya Goobaha istaraatiijiga ah ee Magaalada.
Magaalada dadkii deganaa badankooda waa ay ka barakaceen, dadka ku hadhay Magaalada, ayaa sheegaaya inay arkayaan ciidamo badan oo Amisom iyo kuwa Dowladda isugu jira oo Magaalada si aad ah ugu qul-qulaayo.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ciidamada huwanta ay la wareegaan xarumaha Garsoorka, Saldhiga iyo guud ahaan goobihii maamulka u aheyd Ururka Al Shabaab intii ay Magaaladaasi ka talinayeen.
Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in ciidamada Huwanta ay difaacyo ka sameysteen ilaa saddex Koontarool oo banaanka Magaalada ah, si ay halkaasi isaga ilaaliyaan weeraro culus oo Xoogaga Shabaab ay ku soo qaadaan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay kulan la qaadan doonaan qeybaha Bulshada Degmada Baraawe, ayna kala hadli doonaan sidii ay u taageeri lahaayeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom.
Waxa kale uu sheegay in Odayaasha Baraawe uu kala hadli doono sidii maamul loogu sameyn lahaa Degmadaasi, maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay Shabaab ay maamulayeen.
Magaalada Marsada leh ee Baraawe ayaa noqonaysa mid kamid ah magaalooyinkii ugu muhiimsanaa ee gacanta Dowladda soo gala tan iyo markii uu biloowday howlgalka Badweynta Hindiya, waxana ciidamadii Al-shabaab ee Halkaas ku sugnaa ay u dhaqaaqeen dhinaca Waddada Jilib, halka qaar kalena ay aadeen dhinaca Sablaale iyo Ambareesa.
SDN/QJ
