Uncategorized

Muslimiinta Ku Dhaqan Galbeedka Afrika Oo Dhunkashada iyo Is-gacan-qaadka Maalmaha Ciidda Loo Diiday iyo Sababaha Keenay

Konacry:Oct,05,2014(SDN/QJ)-Fastasiyayaashii waaweynaa ee Maalmaha Ciidaha ka dhici jirey Dalalka Galbeedka Afrika  ee ay ay muslimiintu ku Nool yihiin ayaa, waxa maalintii shalay laga dareemay Hoos u dhac weyn, kaas oo uu sababay Cabsida isa soo taraysa ee Laga qabo cudurka Ebola.

koeWararka ayaa sheegaya in dalka Guinea goobaha dadku ay salaadaha ciidaha isugu iman jireen ay dadku ku yaraayeen waxayna culumada wadanka Sierra Leone ay dadka Muslimiinta ah  ku dhiirrigeliyeen inayay ka fogaadaan is gacan qaadka iyo is dhunkashada.

Wadanka Guinea ayaa dadka ku nool oo tiradooda lagu qiyaasay 11 malyan ayaa 85% kamid ah waxa ay yihiin Muslimiin, waxayna dowlada uga digtey shacabkeeda in ay kulamo waaweyn yeeshaan oo ay dadku isku soo ururaan.

Si kasta ha ahaatee dadka Islaamka ah ayaan joojin waajibaadyada ay leedahay maalinta Ciidal Adxaha sida tukashada salaada iyo gowricida xoolaha. Wadanka Sierra Leone oo dad badan oo Islaam ah ku nool yihiin ayaa dadka loogaga digayay isku soo ururka.

Illaa iyo 1.5 billion oo Muslimiin ah ayaa caalamka maalintii shalay ugaga dabaaldegtay munaasabada Ciid Al-Adxaha halka labo malyan oo kale ay gudanayeen waajibaadka xajka iyagoo ku sugan magaalada barakaysan ee Maka.

Dhinaca kale kalkaaliso u dhalatay dalka Faransiiska oo uu ku dhacay cudurka Ebolaha wadanka Liberia ayaa ka soo ladnaatay kadib markii dawooyin tijaabo ah lagu siiyay magaalada Paris. Dadka u dhintay cudurkan Ebolaha ayaa waxaa ay kor u dhaaftay 3,400 oo ruux.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in kalkaaliso ka shaqeynaysay hay’ada MSF ee dalka Liberia oo uu ku dhacay cudurka Ebolaha ay ka baxday isbitaal lagu daweynayay oo ku yaal magaalada Paris kadib markii ay bogsatay.

 

 

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com