Uncategorized

Raysal Wasaaraha Somalia oo Ka Hadlay Xaalado Cusub oo ka soo Kordhay Baraawe DAAWO

Muqdisho 06.Oct 2014 (SDN/QJ)- Raysal-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay weheliyaan Wasiirka arrimaha gudaha, Taliyaha Ciidammada iyo Raysal-wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Soomaailya, ayaa maanta si wada-jir ah uga hadlay la wareegidda xaruntii guud ee Al-Shabaab ee Baraawe.

Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya waxa uu ku sheegay hadalka uu jeediyey Shirka jaraa’id ee ay ku qabteen xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, in Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Midawga Afrika ee AMISOM, ay saaka subaxdii hore dhammaystireen gacan-ku-dhigista iyo la wareegidda magaalada Xarunta u ahayd Malleeshiyada Al-Shabaab ee Baraawe, halkaas oo ay guud ahaan ka dareereen Kooxda Al-Shabaab Arbacadii inna dhaaftay.

Waxa uu Raysal-wasaaruhu sheegay inay tallaabadani guul u tahay shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, isla markaana ay muujinaysa jabka ku dhacay iyo sida looga guulaystay Al-Shabaab. Waxaanu Caalamka ugu baaqay Cabdiweli Sheekh Axmed inay gurmad iyo gargaar degdeg ah la soo gaadhaan Shacabka muddada badan ay Al-Shabaab dhibaatada ku haysay ee dhaqan Baraawe iyo nawaaxigeeda.

Raysal-Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxa uu dadka Shacabka ah ee reer Baraawe ka codsaday in iyagana dhankooda looga baahan yahay inay Ciidammada sida ay maanta u soo dhaweeyeen iyo si ka sii wacan u soo dhaweeyaan, isla markaana si aad ah ula shaqeeyaan, kana gilgishaan heeryada Al-Shabaab ee sannadaha badan saarnayd dushooda iyo cabbudhintii iyo dhibaatooyinkii kale ee ay kooxdaasi ku haysay.

Warbixinta Shirka Jaraa’id ee Madaxda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya kaga hadleen la wareegidda Baraawe oo dhammaystiran ka daawo muuqaalkan hoose.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com