Uncategorized

Magacyada 6 xubnood oo Guddiga Doorashooyinka loo xulay oo Madaxweyne Siilaanyo caawa u gudbiyay Golaha Wakiilada

Hargeysa October, 6 2014 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa golaha Wakiilada u gudbiyay 6 ka mid ah xubnaha loo xulay Guddiga Doorashooyinka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed caawa kasoo baxay xarunta Madaxtooyada, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu golaha Wakiilada u gudbiyay lix xubnood ka mida Komishanka cusub ee doorashooyinka, kuwaasoo buuxiyay shuruudaha xeerku tilmaamay, si ay u bedelaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee haatan xilkoodu dhamaanayo. Sidoo kale, warsaxaafadeed kale oo uu goor sii horaysay oo caawa ah Madaxtooyadu soosaartay, waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu markale dib ugu celiyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani xubinta ay xisbi ahaan soo xuleen oo ah Dr. Maxamed Cisman Fadal, horena u ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda xisbigaas, si ay usoo bedeshaan.

siilaanyo-2Go’aanka Madaxweynuhu golaha Wakiilada ugu gudbiyay lixdaas xubnood, si ay u ansixiyaan, waxay kala yihiin: saddex xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabay, xubin xisbiga UCID soo xulay iyo laba xubnood oo guddoomiyaha Golaha Guurtidu soo magacaabay, wuxuuna go’aanka Madaxweynuhu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2813/102014,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday.

Ujeeddo Madaxweyne:         Soo Gudbin Xubno, Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.

Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.

Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-

Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:

  1. Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.
  2. Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.
  3. Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

 

Labada Xubood ee Golaha Guurtida:

  1. Mudane, Siciid Cali Muuse.
  2. Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.

 

Xubinta Xisbi UCID:

  1. Mudane, Cabdifataax Ibraahim Xassan.

Waxaan soo jeedinayaa inaad xubnaha si dhakhso ah uga gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.

Fiira-gaara;

1)      Xubinta ka dhiman Xubnaha Guddida waxaan soo gudbin doonnaa markay buuxiso shuruudaha

2)      Waxa halkan ku lifaaqan CV-yada Xubnaha Cusub.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa