Uncategorized

Xogo Daaha Ka Fayday Shir Madaxweyne Siilaanyo Maanta Markab Dushii Kaga Qaybgelayo Oo Loogu Soo Bandhigi Doono Arrimo Ka dhan ah Qaddiyada Somaliland

Berbera:Oct,07,2014(SDN/QJ)-Ilo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda Qurbejoog.com, ayaa daaha ka fayday qorshaha ay wadaan xubnaha  katirsan Dalalka Midowga Yurub  iyo Maraykanka oo maanta wakiillo ka socdaa ay Madaxweyne Siilaanyo kula kulmi doonaan markab taagan xeebaha Berbera.

markabeeXogaha aanu Hayno ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo si Buuxa Maanta loogu wargelin doono Qorshe Beesha Caalamku doonayso in Somaliland laga Hirgeliyo, kaas oo dhabarjab ku ah jiritaanka Somaliland, balse talo ahaan ay iyagu usoo bandhigi doonaan.

Sida ay Xogta Qubejoog.com Heshay sheegayso, waxa qorshahan dabada ka riixaya Dalalka Britain iyo America, waxana  la doonayaa in Somaliland laga caawiyo doorashada Soo socota isla markaana Somaliland laga helo isbadal siyaasi ah oo ay ka tanaasusho gooni isku taaga doorashooyinka Somaliland ka dhacayana la waafajiyo qorshaha hiigsiga cusub ee Somaliya oo doorasho laga abaabulayo Somaliya 2016ka.

Qorashahani ayaa la sheegayaa in uu daaha ka rogay wasiir dawlihii ka socday dalka Switzerland isla markaana Madaxwayne Siilaanyo ka qaylyay, Siyaasagani ayaa ku adkaysanaya inuu culays wayni dusha ka koray siyaasadii arimaha dibada Somaliland,xaaladuna ay tahay wax ay beesha caalamku wadato,isla markaana Somaliland loo qorsheeyay qorshe xaga horumarinta ah iyo mid siyaasadeed oo loogu talogalay in lagu qanciyo.

Xogahani ayaa sheegaya beesha caalamka ayaa Siilaanyo usoo bandhigay arimo badan oo xaasaasiya oo ka jira gudaha Somaliland isla markaana siyaasiyiin caan ahi qoraal cad ugu gudbiyeen dawladaha daneeya Somaliland,Dagaalka Bariga dalka ka jira, Cabudhinta Saxaafadda iyo xorriyatul qawlka iyo khilaafyada xisbiyada ayaa bidhaamiyay  nuglaanta ku jirta Geeddi-socodkii Somaliland ka dhexjira taasi oo farta lagu fiiqay in xiligani beesha caalamku ku dhiiranayaan in ay cadeeyaan qorshahooga hiigsiga Cusub oo loo soo raro Somaliland.

Xogta aanu Hayno ayaa sheegaysa in Siilaanyo hore arrintan loogu sheegay, balse ay ku noqotay wax si weyn uga nixiya, isla-markaana uu Go’aansaday inuu Shirka maanta Xeebta Berbera dhacaya kaga dhiibto ra’yigiisa iyo waxyaabaha ay shacabka Somaliland arrimahaas ka aaminsan yihiin.

Culayska xaga gudaha Somaliland oo si wayn usii kordhay iyo ta arimaha dibada oo isbiirsaday ayaa Somaliland dhigay marxalad adag oo labo daran mid dooro ah, Maalmaha Soo socdana waxaa la arki doonaa sida madaxda Somaliland ay shacabkooga ugu soo bandhigaan xaqiiqda ka socota guriga Madaxtooyada ee Madaxwayne Siilaanyo Ama sii wadi doona warsaxaafadeedyada ay warbaahinta la horjoogsadaan oo ka fog xaqiiqda wixii dhacay ee laga wada hadlay.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasparonews.com