Muqdisho:Oct,07,2014(SDN/QJ)-Sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaal sare oo katirsan Midowga Yurub, waxa Tabararro kala duwan ay siiyaan Ciidamada xoogga Dalka Somalia oo ilaa iyo haatan ay 900-Askari oo kamid ahi heleen Tababaro.
Jeneral Masiimo Mingiardi,oo ah taliye ka tirsan dhanka tababarida ciidanka Midowga Yurub ayaa sheegay inay inta sanadkan ka dhiman Tiradaas Gaadhsiin doonaa 1400-Askari.
Sidoo kale Masiimo,waxaa uu sheegay in ixtiraamka iyo tixgalinta hey’addaha dalka somaliya ay ku guuleyteen,laga bilaabo wasiirka difaaca iyo taliyaasha ciidanka dowlada somaliya,isagoona sheegay in tani ay caawin doonto dhismaha ciidanka dowladda.
Bisha April ee sanadka 2015 ayuu sheegay in uu dhaman doono tababarida ciidanka.
Midowga yurub ayaa dhanka kale taagerada dowlada somaliya xoojinaya iyagoona bixiya dhaqaalaha ugu badan loo lagu wiiqayo kooxaha budhcad badeeda somalida.
SDN/QJ
Contact@somalidiasparonews.com
