Uncategorized

Wasiir Xirsi Oo Booqashadii Madaxweynaha Ee Berbera Si Kale U Macneeyey, Hoosna U Dhigay Shirkii Ka Dhacay Markabka Dushiisa

Hargeysa:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hoos u dhigay Meeqaamka shirkii uu madaxweyne Shalay la yeeshay Wufuuddii dalalka Reer Galbeedka kasocotay, kaas oo ka dhacay Marka dagaal oo taagan xeebta Magaalada Berbera.

miniiiiWasiir Xirsi oo xalay Qoraal uu  ujeeddada safarkaas Madaxweynaha kaga falceliyo  soo dhigay Boggiisa Face-book-ga, ayaa sheegay in safarku muujinayey sida ay dalka muhiimka ugu yihiin ciidamada ilaalada Xeebaha dalku, waxana aanu  wax muhiim ah kasoo qaadin shirkii dhex maray madaxweynaha iyo saraakiishii ka socotay dalalka Yurub iyo Maryakanka.

“Ciidanka Illaalada Xeebahu Waxay Si Hufan uuga Ilaasheen Badaha Dalkeena Somaliland Dhaqdhaqaaq walba oo Budhcad Badeednimo, waana Kaalin ay Amaan iyo Sharaf ku Mudan yihiin” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay wasiirku.

Wasiirka ayaa in yar oo kor-ka-xaadis ah kasoo qaatay kulankaas markabka dushiisa ka dhacay oo dad badani aaminsan yihiin in lagu gorfeeyey arrimo qaranimada kasoo horjeeda, waxana uu si kooban u sheegay inuu caddayn u ahaa xidhiidhka adage e Somaliland la leedahay dalka Britain oo isagu shirkan hoggaaminayey, waxana uu yidhi,

“ Kulankii Maanta(shalay) ee Masuuliyiinteena Somaliland iyo Boqortayada Ingriisku Waa Xidhiidh Dumblamasiyadeed Oo Ku Dhisan Taariikh Dheer Oo ay Labada Dal Wadaagaan isla markaana Wuxuu fariin u diraya dalalka kale ee dunidu in ay gacan ka gaystaan horumarinta dhinacyada kala duwan ee Somaliland”

 

Waxay ahayd maanta(shalay) kadib markii Wafti uu hogaaminayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland H.E Ahmed Mahamed Mahamoud oo ay wehelinayaan Xubno kamida Golaha Wasiirada iyo Laamaha kala duwan ee Amaanku aan safar ku tegnay Caasimada Gobolka Saaxil ee Berbera

Safarkan ayaa sidoo waxaa nagu wehelinayey Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo dawlada aan jaarka nahay ee Somalia iyo masuuliyiin kale

Ujeedada Safarkan ayaa ahayd in Madaxweynuhu ugu soo xidho cutubyo kamida Ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland tobabar ku aadan kor-u-qaadida ilaalada Xeebaha oo mudooyinkii u dambeeyey ka socday markab magaciisa la yidhaa Cardigan Bay oo ay leeyihiin Ciidmada Illaalada Xeebaha Ingriisku kasoo ku sugnaa Xeebta Dalkeena Somaliland

Tobobarkan ayaa noqon doona mid wax badan u tari doona Ciidmada Illaada Xeebaha ee awalba Tayada badnaa kuwaas oo si hufan uuga ilaashay Badaha Somaliland dhaqdhaqaaq walba oo Budhcad badeednimo, waana kaalin ay amaan iyo sharaf ku mudan yihiin

Maaha markii u horaysay ee Ciidanka Illaalada Xeebaha Boqortooyada Ingriisku ay Tobobar noocan oo kale ah siiyaan Ciidankeena Badda waanan uuga mahadcelinaynaa taageerada iyo tobabarada qiimaha badan ee ay siiyaan laamaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Safarkan ayaa sidoo kale muujinaya adkaanta xidhiidhka Dumblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Boqortooyada Ingriiska isla markaana fariin u diraya dalalka kale ee dunidu in ay gacan ka gaystaan horumarka dhinacyada kala duwan ee Somaliland”

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com