Uncategorized

“Waxaynu u qaysannay laba dabaqadood oo midi intaas oo milyan baan haystaa isugu faanta iyo qaar aan dab-ba loo shidin,” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Ka Hadlay Dhibaatooyin dib u dhac ku keenay Somaliland oo ay xukuumadda Haatan jirtaa masuul ka tahay.

maxamed xaashiEng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka Hadlay Munaasibad Xisbiga Ucid shalay ku lahaa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xatooyo iyo bililiqaysi badan ay masuuliyiinta xukuumaddani ku hayaan Xoolihii umadda ee sida wada jirka ah loo wada Lahaa,

“Haddaad u fiirsataan inta wasiir Guri dhisanaysa, ama xildhibaan Guri dhisanaysa, waxad arkaysaa in Booli qaran inagu bilaabay oo la Boobayo daarihii iyo dhulkii umaddu lahayd. Waana astaan xun oo dalkani aanu istaahilin.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Waxa uu Eng. Maxamed Cilmi sheegay in shacabkii dabaqado kala duwan u kala fogaaday, isla-markaana intooda badani aanay dabka shidanin, halka tiro yarina iskugu faanto gurashada xoolaha umadda ka dhexeeya,

“waxaynu u qaysannay laba dabaqadood oo midi intaas oo milyan baan haystaa isugu faanta iyo qaar aan dabba loo shidin, dhalinyartadan intooda badan shaqo la’aan baa haysa waxana ay u baahan yihiin shaqo abuur, maantana cid ka hadlaya maqli maysid waana nasiib darrooyinka jira,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Waxa uu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Madaxda Xisbiga Ucid ee uu munaasibaddooda ka Hadlayey u soo jeediyey inay ku talo galaan in Haddii ay hoggaanka qabtaan ay u tegi doonaan dad kala fogaaday oo noloshoodu ka dheeraatay, taas oo looga Baahan yahay xallinteeda, waxana uu yidhi,

“Madaxda Ucid waxan leeyahay raaxo halkan(madaxtooyada) ugu tegi maysaane waxad ugu tegaysaan dhibaato badan oo taalla iyo dad qaybsamay oo maxaysato u badan iyo inyar oo ku dheregtay wixii yaraa  ee dalka wax loogu qaban lahaa.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com