Hague:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Waddanka Kenya, ayaa maanta laga sugayaa inuu si rasmi ah u hortago maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada dagaalada oo si gaar ah u soo dacsweysay.
Mr. Kenyatta ayaa Salaasadii shalay ahayd ah ka duulay magaalada Nairobi, waxaana maanta lagu qaadayaa dacwado la xidhiidha dambiyo ka dhan ah bani aadannimada oo uu galay xilliyadii uu mucaaridka ahaa.
Kiiska Kenyatta ee maanta furmaya, ayaa la filayaa inuu soo jiito dareenka warbaahinta caalamiga ah, maadaama uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyey ee isagoo xil haya maxkamadda hor taga.
Waxa loo haystaa 5 dambi oo ka dhan ah bani’aadanimida, iyada oo la sheegay in uu kaalin ka geystay abaabulka gacan ka hadal daran oo dhacay ka dib doorashadii dalka Kenya ee sanadkii 2008-dii, oo dad badan lagu dilay.
Inta Mr. Kenyatta uu maqan yahay, waxa xilka madaxweynenimo sii heyn doona kuxigeenkiisa William Ruto oo isaga laftiisa ay maxkamadu dacwaysay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
