Hargeysa:Oct,08,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Lagu wadaa inuu maanta jawaab cad ka Bixiyo gefaf siyaasadeed iyo xadgudubyo uu xisbigiisu ka tirsanayo Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba.
Guddoomiye Cirro, ayaa sida wararka aanu Haynaa sheegayaan diyaar u ah inuu jawaabo cad bulshada ka siiyo sababta keentay in madaxweyne Siilaanyo markii labaad kusoo celiyo xubintii ay komishanka dooorashooyinka usoo dirsadeen oo ah aqoonyahan hore xisbiga uga tirsanaan jirey, balse iska casilay.
Gefafka siyaasadeed ee Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisuba tirsanayaan, ayaa waxa ugu weyn in madaxweyne Siilaanyo Xubnaha Komishanka ee uu soo saxeexay ay ku jiraan Xubno katirsan Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo uu midna isagu magacaabay midna dhinaca Guurtida ka yimi oo uu haddana ogolaansho siiyey, halka uu ka diiday xubintii Waddani oo uu ka dhex uriyey arrimo xisbi.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa looga fadhiyaa inuu Bulshada u sheego faraqa u dhexeeya xisbiyanahada Kulmiye ee lagu soo daray Komishanka Cusub iyo reebitaanka lagu saameeyey xubintoodii oo markii labaad la celiyey, taas oo ah mid shacabku si weyn ugu jeelan yahay.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa lix xubnood oo uu dhawaan Komishanka doorashooyinka u soo xulay lagu tilmaamay qaar aan dhexdhexaadnimo muujin Karin, isla-markaana ay ku jiraan Xisbiyahano kulmiyeysani, waxana ay taasi shaki ku abuurtay Bulshada iyo waliba axsaabta Mucaaridka ah ee dalka ka jirta, inkastoo aanay wali ka Hadllin.
Guddoomiye Cirro ayaa laga sugayaa inuu si hufan uga hadlo aragtida xisbigiisu ka qabo soo celcelinta Xubintooda oo la’aanteed la Gudbiyey Xubnihii Komishanka, taas oo muujisay Cadaawad gaar ah oo uu madaxweyne Siilaanyo ka tirsanayo xisbiga waddani oo isagu miisaan ku leh siyaasadda dalka.
Guddoomiye Cirro oo ah Madaxa ugu sarreeya ee Xisbiga waddani, ayaa hadlalkiisu inta badan dhibmiilo siyaasadeed ku kiciyaa xukuumadda madaxweyne Silaanyo, waxana ilaa iyo haatan laga sugayaa hannaanku uu uga jawaabo Gefafkaa kaga soo noqnoqday dhinaca Madaxweyne Siilaanyo
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
