Uncategorized

Dawlada Hoose ee Hargaysa oo Ku Hawlan Furitaanka Goobaha Biyo Mareenada iyo Banaynta Jidad Xidhnaa DAAWO

Hargaysa 09.Oct 2014 (SDN/QJ)- Maamulka Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo ay Weheliyaan Hawl wadeenada Dawlada Hoose ayaa Hawl gal isugu Jira Furitaanka Goobaha Biyo Mareenada ah iyo Jarista Geedka Garanwaaga waxay ka fuliyeen Jidka Taga Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Maayarka Caasimada Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ayaa Sheegay in Dawlada Hoose iyo Golahooda Deegaanku aanay Waxba ka qaban karin Hadii aanay Dadweynuhu Goobaha loogu Talo Galay Ku Ridin Xashiishka.

Magaalada Hargaysa ayaa Dhawrkii Cisho ee u danbeeyay waxaa ka da’ayay Roobab Lagu qabawsaday.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com