Hargaysa 12.Oct 2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu ka tanaasulo tartanka Madaxweynenimo ee doorashada soo socota ee 2015-ka. Wararka laga helayo qasriga Madaxtpooyada Somaliland,ayaa intaa ku daraya in Madaxweynuhu laba kulan oo uu ku qabtay Madaxtooyada ku soo bandhigay mawqifkiisan ah inuu ka tanaasulay tartanka Doorashada sanadka dambe haddii ay wakhtigeeda ku qabsoonto iyo haddii dib u dhac ku yimaadaba.
Xogo kulamadaasi uu ka helay Wargeyska Geeska Africa oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sheegay in kulamada ay goob-joog ka ahaayeen Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada,Arimaha dibada,waxbarashada,Xildhibaano Madaxtooyada ku dhaw-dhaw iyo guddoomiyaha xisbi xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Madaxweynuhu halkasi ugu soo jeediyay Masuuliyiinta Xukumadda iyo Xisbiga KULMIYE in si hufan oo bilaa muran ah loo soo xulo Musharaxa Xisbiga KULMIYE uga qayb gelaya Doorashada Madaxnimo ee soo socota.
Lama Oga sababta Madaxweyne Siilaanyo ugu eekaaday Mudo xileedkiisan,balse waxaa hore aad loogu hadal hayay inuu mudo korodhsi samayn doono, isagoo horena u caddeeyay inuu Musharaxa Xisbiga Kulmiye yahay.
Wali wax war ahi kama soo bixin dhanka Madaxtooyada iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE midnaba oo la xidhiidha tanaasulka Madaxweynaha ee la xidhiidha tartanka doorashada Madaxtooyada waxaase hore loo ogaa oo u jirtay I n muran badani uu ka dhashay is-sharaxaadii Madaxweynaha Somaliland iyo Musharxnimadii Muuse Biixi oo xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa muran badani ka dhex dhashay isla markaana xal u helisteeda ay ergo badani u kacday oo isku soo dhaweysay hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Madaweyne Siilaanyo oo kula tegay.

Waxaana khilaafkaa lagu soo dhameeyay in musharaxa kaliya ee kulmiye ugu tartamaya doorashada Madaxtooyada in uu ahaado Madaxweyne Siilaanyo laakiin ka tanaasulka la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo imika ku dhawaaqay ayaan la garanayn sababta kreenta iyo waxaa uu salka ku hayo.
Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war sheegayay in madaxweyne Siilaanyo uu ka tanaasulay tartankii doorashadda madaxtinimo ee lagu wado inay ka qabsoonto dalka sannadka fooda inagu soo haya ee 2015-ka, sida ay baahiyeen laba ka mid ah wargeysyadda madaxa banaan ee ka soo baxa caasimadda Hareysa.
Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo caawa khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda Gudgudenews.com, isagoo ku sugan magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.
Afhayeen Dhuxul waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu u taagan yahay una sharaxan yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka 2015-ka, waxaanu been cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war maanta ku soo baxay boggaga hore ee wargeysyadda Geeska afrika iyo Ogaal.
“Waxaan halkan ka caddaynayaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u taagan yahay murrashaxna u yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, waxa kale oo aan beeninayaa war maanta ay daabaceen wargeysyadda Ogaal iyo Geeska afrika oo ahaa mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, ma jirto meel madaxweynaha Somaliland kaga hadhay tartanka doorashada, waxaanu u sharaxan yahay kalkiisa labaad ee dastuurka dalku u baneeyay,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu,
Mr. Dhuxul waxa kale oo uu u soo jeediyay warbaahinta inay axadhaan oo ka baraan degaan xaqiiqadda wararka ay baahinayaan xambaarsan yihiin, “Waxaan ku boorinayaa wargeysyadda Ogaal iyo Geeska Afrika inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah, isla markaana ay hubiyaan wararka ay bulshadda u gudbinayaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ