Uncategorized

Wasiir Hore Uga Tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Kasooo Horjeestay Qaranimada Somaliland iyo Jiritaankeedaba

Garowe:Oct,12,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hawlaha Guud ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Axmed Cabdi Xaabsade oo Haatan ku sugan Xarunta Maamulka Puntland ee Garowe, ayaa ku dhawaaqay erayo kadhan ah Somaliland oo uu muddo badan lasoo caano maalay.

xaabeMudane Xaabsade oo Quudd-darraynaya Xil wasiirnimo oo laga siiyo dhinaca Maamulka Puntland, ayaa ballan ku qaaday inuu jirin wax wada Hadal ah oo u dhexeeya Somaliland iyo dhiggeeda Somalia ilaa iyo Puntland ay beesha caalamku kusoo darayso.

Cabdi Xaabsade oo hadal ka jeediyey Munaasibad  lagu soo dhaweeyey Raysal-wasaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo Jimcihii soo gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland oo uu Shir ay ku wadahadlayaan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Xaabsade, ayaa Munaasibaddaa ka sheegay in ay ka go’een Somaliland haddii ay yihiin Beelaha Dhulbahante ee dega gobollada Sool, Cayn oo Buuhoodle ah iyo Bariga gobolka Sanaag, isla markaana ay ka tirsan yihiin Puntland oo uu sheegay in Madaxweynaha Puntland hadda hoggaamiya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u ballan-qaaday inay saxayaan qaladaad uu sheegay inay kaga fogaadeen ka mid ahaanshaha Puntland oo uu xusay inay markii hore u dhammaayeen dhismeheeda. Sidaa daraaddeedna aanay hadda ahayn.

“Somaliland waxay ka mid ahayd Soomaaliya, 1960 anigu waan joogay maalintii ay calanka qaadeen ee ay yidhaahdeen shar iyo Shuruud la’aan waxaannu kaga mid noqonaynaa Soomaaliya, waa la wada saxeexay, wax ku darsadaba la yidhi Shuruud la’aan baannu kaga mid noqonaynaa bay yidhaahdeen, waa la saxeexay, Xeerkii wax iska beddelay ma jiraan ee Dawladdii ayuun baa innaga burburtay, illaa dawlad la sameeyo oo la dhiso oo Baarlamaankeenna Shacabku soo doorto oo la wadahadlo wax laga beddeli karaa ma jiraan, taana ogaada.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.

Sidoo kale, Axmed Cabdi Xaabsade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray inaanay waxba ka jirin wadahadallada dhawrkii sano ee u dambeeyey u socday Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu isagoo arrimahaas ka hadlaya yidhi; “Hay’adaha Caalamiga ah waxaan u sheegaynaa oo adigana kuu sheegaynaa, Madaxweynahana u sheegaynaa oo kuu faraynaa adiga iyo Weftigaagaba, waxa la yidhaahdaa Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wadahadlaya, haddaannu nahay Sool, Sanaag iyo Cayn oo ah Haaf dhulka Somaliland ah, waannu isku af-garan waynay, kumana wada soconno, kumana wada-jirno Somaliland ee waannu kala go’aynaa. “

“Waxaan leeyahay Somaliland waa walaalahayo, waa wada-dhalannay, waa is-dhalnay, laakiin siyaasaddii baannu ku midoobi waynay, arrintu waxay dhashay dagaal, waxay dhashay ilmo-doox, waxay dhashay xoolo la kala dhaco, taasi markaa ma noo ansaxayso in nalagu tashado oo la yidhaahdo Somaliland baannu nahay, Somaliland ma nihin, Soomaaliya ayaannu nahay, Sool, Sanaag iyo Cayn waa Biriijka isu haya Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Xaabsade.

Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo si weyn uga soo hor-jeestay qaddiyadda Somaliland, isla markaana farriin faraya Raysal-wasaaraha Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay Biriijkaa yaan la goyn, waxaan leenahay oo aannu ku faraynaa oo aannu kugu adkaynaynaa (Raysal-wasaare) maalinta la wadahadlayo goobta waa inaannu joognaa, haddaannaan joogin wixii lagu heshiiyaa waa waxba kama jiraan.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com