Waa Tix yar oo bal tilmaan u ah maalmihii tegay halgankii maal iyo nafba lagu waayay Ragii maalintii kululayd shacabka naftooda u huray iyo kuwa haatan RRU-da habeenba ugu hanjabaaya shacabka.
Maansada magalin waayadaa mana gor faynayne
Taariikhda guunka ah hadaan gun uga faaloodo
Halgankii lasoo galay hadaan gaar wax uga sheego
Hadaan garashadaydii Shacbiga daaha uga gooyo
Gorayey hasheenii markii cadawgu gaadaayay
Gabanadii horseedka u ahaa markii gaadhka
Laga meershay shacabkii gumaad maalintii
Gawda laga saaray guutada habaaskale
Markii nalagu gaadaayay Gaani ficiltan kiisii
Markuu gobolo naafeeyay Faqash baan garaad
Lagu ogayn garasho waayeele gumuciyo
Rasaastii markii goosan lagu laayay
Sidii goosan xoolaad markii guriga loo ootay
Gaanigii sumaysnaa markuu nagu gib laynaayay
Googarad Cadceediyo markii guuto lagu saaray
Shacab koon xumaan gelin markii gawda laga saaray
Gabilay sidii loo galaan gocanayaa tiiye
Geesi Mohamed Cali maalintuu weerarka u gaabshay
Guubaabadiisii malledin geesi diriaaye
i saguba dagaal geli kuwii gooyay maatida eh
Nimankii garaadada lahaa goosan baa baxaye
Ina Kaahin gulufkii habee gelayay buuraaye
Dhegaweyne gaadh kuu ahaa guusha noo sida eh
Ina Mire magliga soo afee mawdka geerida eh
Harag waafi gaalaa bixii goobay Faqashtiiye
Guclo orodka raac dada Rag baan gamin goor iyo alayle
Suldaankii garaad kiyo lahaa garasho dheeraada
Shagiib goosankii hadhay magliga gawda kaga saarye
Godka lagu Janeegii Mohamed baan sii gocdaa weliye (Mohamed Mohamud Oday)
Calankaa naguud sudhan Rag baa Aakhiro u galaye
Inta Reer goblamay waa og yahay Ruux garaad lihiye
Maantana gankii baanu nee guux kalaa jira eh
Ufo gallan galkeedii markii Jeelka lagu gooyay
Ardaydii magay dhada ahayd markii weerar lagu gaabshay
Geesi Mohamed Baaruud markuu gurayay raad keeda
Colaad kamma gabane goobay taladiiye
Ina Geydh gadaal u gamma hadhin garashadiisiiye
Dr Garaad kale markii godadka loo ooday
Maatida gadoodsani markay gulufka dhiigaysay
Goray yaa lahayeey markii galawgu dhiileeyay
Dhagax lagu gurmaday maalintii gaade lagu laayay (dhagax tuurkii)
Gaallaa bexeedii markii geeri laga doortay
Geyi goodhan waa lagga xusaa guulahaa dhacaye
Gocor iyo nin liitan xusayn geesiyaal tegaye
Askar maalintuu gacan galee geesi diriraayay
Koodbuur markuu Gebi kariday Garac yadii haystay
Lixle guutadiisii markuu guluf u heenseeyay
Burcaduuray gool kamma dhashee fule gariiraaye
Guutada habaas kale markii weerar lagu giijay
Nimankii dariiq yada galee cadawga gaadaayay
Geel jiruhu waatay galee weerar gaad ma ahe
Gacmo dheere waa naga dhintiyo geesi yaal kala,eh
Koosaar gudoonkiisi baan goobayaa welige
Adan shiine watayganeen gallo waranleeye
Ninkii maal mahaa garanaya nama guhaad sheene
ARRU yuu gumaysugu un kumay naguma gaadheene
SAhra garashadeedii nin Ragi kumma garaaceene (SAhra halgan)
Odayada garaadka leh lamma guhaad sheene
Dhegaweyne Ruux garanayaa Gacan masaareene
Rayte garashadiisii lamma guhaad sheene
Ina Biixi gees kamma mareen goosankii hadhaye
Xisbi lagga dulguuruu cidlada gaadhka kahayaaye
Kuwii Faqashta gaadhka u ahaa nama gumaysteene
Cali nama guhaadsheen gooriyo alalyle (Cali warancade)
Halgan kaynu soo wada galiyo guushi laga dheefay
Hashii iilka loo galay Darbaa gaawaha u culaye
Agoomii galaan looma darin iyo gabana doodiiye
Naafad gadoon ka ah wax umma geeyaane
Goofaadhtan iyo ciil nabade gaalo ka hadheene
Maantana colbay gelinayaan gubanadii hawde
Aw Daahir gaban kuu dhaloo giniyo loo sheegay
Garashada aqoontiisa iyo naxliga uurka ku gadaaman
Maantana colaad geli Reerihii gaadhka hayn jiraye
Banka goodigiisii haduu guluf dul joogaaye
Waxa loogo lee yahayna waa guura idilkiine
Gabal dhaciyo waa beri xumaa geedi loo yahaye
Gocor iyo nin liitaa gubaya land tiiye
Allahayw nagees mari dabkaa lala guclaynaayo.
bulaale diiriye
