Uncategorized

Shabaabka Oo Sheegtay Inay Qudha Ka Jareen 60-Kamid ah Ciidanka Reer Kenya Ee Jubooyinka ku Sugan

Jilib:Oct,21,2014(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab eek u sugan Gobollada Jubooyinka, ayaa ku dhawaaqay inay qudha ka jareen 60-kamid ahaa ciidanka Kenya oo weerar kusoo qaaday Goobo Shabaabku ku sugnaayeen.

giiigMadaxa Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al Shabaab Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, oo caawa ka hadlay dagaalada ka soconaayo inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Jilib, ayuu sheegay inay khasaare ba’an ugu geysteen dhinacyada ka soo horjeedo.

Wuxuu soo hadalqaaday in muddo 10 maalmood ka badan ay ku soo dhaqaaqeen dhulka Jubbooyinka ay maamulaan, iyagoo doonaaya inay qabsadaan sida uu sheegay, balse ay ku dileen 60 askari oo Kenyan ah, ayna ka gubeen 10 ka mid ah kolonyadii ay wateen.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo wareysi siiyay Idaacada Alfurqaan, ayaa xusay in Ciidamada Kenya iyo Jubba ay filayeen inay si sahal ah ku geli karayaan dhulka Shabaabka, hase ahaatee ay kala kulmeen wax aynaan fileynin.

Waxa uu ku faanay in Ciidamada kala duwan ee Al Shabaab oo kaashanaaya dadka deegaanka, ay go’aan ku gaadheen inay jilbaha u dhigtaan Ciidamada Huwanta, isla-markaana aad mooddo buu sheegay in wax badan uu gaadhay cadowgu.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu bidhaamiyay in Ciidamada Huwanta lagu jahwareeriyay deegaanka Buulo Gaduud, oo 30km u jirta Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu sheegay in dhowr jiho looga qaado weeraro joogto ah.

Sheekh Xudeyfa, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Jubba iyo Kenya ay ku jabeen duulaanka ay ku qaadeen mintidiinta, waxaana hadda dhiman buu yiri in lees raaciyo.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeedhay Al Qaacidada Somaliya, ayaa waxa uu Maamulka Jubba toddobaadkii hore uu iclaamiyay inay hakiyeen gulufkii militari, ay ku qabsan lahaayeen Degmooyinka Jilib iyo Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Al Shabaab, ayaa horeba loo filaayay inay ku dagaalami doonaan gacan ku haynta Jilib iyo Jamaame, maadaama loo arko inay yihiin dhulkii ugu muhiimsanaa ee gacantoodu ku hadhay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com