Copenhagen:Oct,21,2014(SDN/QJ)-Xogo Lagu Kalsoon yahay oo ay heshay Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in Somaliland, ayaa jeclaysatay inay si qarsoodi ah uga qaybgasho shir arrimaha federalka lagaga Hadalyo oo lagu qabanayo Dalka Denmark.
Xogta aanu Hayno ayaa sheegaysa in Wasiirka Qorshaynta qaranka somaliland Dr Sacad Cali Shire oo mar horeba iska xaadiriyey dalka Denmark, iyadoo uu wehelinayo Sarkaal aan xil haynin, balse ay qaraabo dhaw yihiin Madaxweyne Siilaanyo.
Socdaalka wasiirka oo ay hagayeen dad aanu dareensanayn ayaa waxa uu salka ku hayaa habka Federaalka ee Somalia, waxana wasiirka loo dhuubay qadiyada uu u tagay dalka Denmark, oo loo sheegay in ay dawlada Denmark ay Somaliland siin doonto caawimo deg deg ah oo loo baahanyahay in ay wasaarada qorshayntu soo gudbiso baahiyaha ka taagan Somaliland.
Wasiir Sacad Cali Shire ayaa la kulmay danjiraha dawlada Somalia u jooga dalka Biljamka iyo EU-da ninkaasi oo la yidhaa Ambaasadoor Dr Cali Siciid Fiqi oo ah ninka qaban qaabiyaha ah ee shir ka dhici doona dalka Denmark mudo bil ka dib ah oo uu hogaamin doono madaxweynaha Somalia, shirkaasi oo lagu soo bandhigi doono xaalada Somaliland ee uu soo gudbiyay wasiir Sacad Cali Shire.
Shirkan ayaa xogaha kasoo baxayaa sheegayaan in arimaha qorshaynta ee Somaliland si toos ah loo hoos geeyay dawlada fadaraalka ee Somaliya, oo hada u gudbinaysa baahiyaha uu wasiirku u soo gudbiyay danjiraha, halkaasi oo ay fadeexad weyni ka soo gaadhay xukumadda Somaliland iyo qadiyadeeda ay ku doodo ee gooni isu taaga.
Arrimaha dedejiyey in somaliland shirkan u dhegtaagto, ayaa waxa lagu tilmaamay saaxiibtinimo dhaw oo dawladda Denmark la leedahay somaliland, waxana xusid mudan in dawladda Denmark qayb libaax ka qaadato caawimooyinka Dawladaha reer Yurub siiyaan Sanduuqa caawimooyinka somaliland, balse somaliland hore ayey u sheegtay inaanay shirkas ka qaybgeli doonin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
