Uncategorized

Saado Cali iyo Cali Khaliif Oo Lasoo Buuxiyey Boosaskii ay Baarlamaanka Ku Lahaayeen

Muqdisho:Oct,21,2014(SDN/QJ)-Maalintii shalay ayaa waxa Baarlamaanka Somalia lagu hor dhaariyey Saddex Xubnood oo cusub, kuwaas oo soo Beddelay Mudanayaal ka horreeyey oo siyaabo kala duwan meesha uga Baxay.

saadeoMaxamuud Ducaale Muuse, Yuusuf Maxamed Cali iyo Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa waxay  si rasmi ah kaga mid noqdeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyagoona kuraas ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Somaliya.

Xildhibaan Maxamuud Ducaale Muuse, ayaa waxaa lagu bedelay booskii Xildhibaanad Saado Cali Warsame, Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa waxaa lagu bedelay booskii aabihii General Maxamed Maxamuud Xeyd, halka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali, lagu soo bedelay Dr. Cali Khaliif Galeydh oo isagu iska casilay xubin-nimadii Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo la hadlaayay Xildhibaanada cusub, ayaa wuxuu ku wargeliyay inay ku soo aadeen iyadoo la guda galay fadhigii 5-aad, oo uu ku sheegay mid si adag loo shaqayn doono.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo sheegay in fadhiyada kale ee soo socdaa ay ka sii adkaan doonaan fadhiga 5-aad, sababo ku aadan iyagoo hiigsanaaya sanadka 2016-ka, oo lagu wado in dalka ay ka qabsoomto doorasho dadweyne.

Jawaari, ayaa si adag u sheegay in Xildhibaankii bilaa fasax iska maqan ay u diri doonaan Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka, si uu u qaato digniin iyo ganaan lacageed oo gaadhaaya lix boqol oo dollar ($600US).

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com