Kabone:Oct,21,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Cirka Maraykanka, ayaa Hawada Hub iyo raashin uga daadiyey Dagaal yahanada Kurdiyiinta ah ee dagaalka kaga jira Magaalada Kabone ee xuduudda Turkiga iyo Syria.
Pentagonka ayaa sheegtay in diyaarad Kargo ay dhowr jeer hawada uga soo riday sahay oo ay dowladda Kurdishka ay bixisay, waxana sahaydaas iyo Hubkaas loogu talo galay inay kaga hortagaan Kooxda Daacish oo weerarro xoogan ku Haysa Magaaladaas.
Afhayeenka ciidamada Kurdishka, Redur Xelil, ayaa sheegtay in sahay dheeraad ah la rajaynayo, maadaama dagaalyahanadu ay ku Jiraan xaalad dagaal oo aan la garanayn goor laga Bixi doono.
Gurmadkan ayaa yimi maalin kadib markii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu u digay Maraykanka inay hubeeyaan dagaalyahanada Kurdishka, iyagoo ugu yeedhay argagixiso.
Xulafada maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah daacish ku jirta, ayaan isku raacsanayn talaabadan lagu hubaynayo dagaalyahanada Kurdishka ah, waxana laga warwar qabaa inay keento kala qaybsanaan gudaha Xulafada ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
