Uncategorized

Xoghayihii Gobalka Daadmadheedh C/salaan Maxamed Jaamac Oo Iscasilay Xili Xoghayihii Hore Gobalkasi Xabsiga Ku jiro

kk

Burco 21/oc/2014(SDN/QJ)Xoghayihii Gobalka Daad-Madheedh Oodweyne C/Salaan Maxamed Jaamac ayaa shaaciyay inuu Guud ahaanba iska Casilay Xilkii Xoghayaha Gobalka Daad-Madheedh.

iscasilada Xoghayaha Gobalka Daad-Madheedh ayaa ku Shaciyay iscasiladiisasi ka Dib Markii Sida Uu Shegay inuu Cadalad Darro Kala Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade Oo Uu ku Eedeyay inuu Yahay Masuul Xilkii Loo igmaday ku Guuldaraystay.

Xoghayihii Hore Daad-Madheedh C/Salaan Maxamed Jaamac Oo ka Hadlaya iscaladiisa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Waxaan Jecelahay in Aan Maanta halkan ka Cadeeyo in Aan Guud ahaanba iska Casilay Xilkii Aan Mudada Dheer Soo Hayay Ee ahaa Xoghayaha Maamulka Gobalka Daad-Madheedh Oodweyne,Waxyabaha Aan isku Casilay Waxa Weyaan Ka Dib markii

Aan Cadalad Darro Kala Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade Oo ah Runtii Nin ku Fashilmay Xilkii Uu Qaranku u igmaday”

Ugu danbayntii iscasilada Xoghayaha Maamulka Gobalka Daad-Madheedh Oodweyne ayaa ku Soo Beegmaya Wakhti Dhawaan Xoghayihii Hore Ee Gobalkaasi Loo Taxabay Xabsiga Oodweyne.

Burco SDN/QJ

Concat@Somalidasporanews.com