Stockholm:Oct,22,2014(SDN/QJ)-Xeebta Dalka Sweden, ayaa ku Hawllan Helitaanka Markab Gujis ah oo laga leeyahay dalka Ruushka, kaas oo looga shakisan yahay inuu ku qarsoon yahay Badda dalkaas.
Shir jaraa’id oo ay qabteen saraakiisha Ciidanka Badda Sweden, ayey ku sheegeen inay qabaan shaki ah in markab ajaanib ahi uu Hawlo ka wado Xeebta Magaalada Stockholm.
Qaar ka mid ah dadka ku nool agagaarka ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya wax u eg Gujis oo dhex socda biyaha. Wargeyska SVD ayaa qoray in ay heleen warbixin ku saabsan in Markab Gujis oo Ruushka laga leeyahay uu Biyaha Stockholm ka diray fariin taasoo ku socotay Gobolka Kaliningrad ee Ruushka uu ku leeyahay badhtamaha Yurub.
Ciidamada miltariga Sweden oo isticmaalaya maraakiibta dagaalka iyo diyaarado ayaa si xoog leh u wada baadhitaan ay ku samaynaya biyaha Sweden, balse ilaa hada ma aanay helin wax la taaban karo, Haddii ay helaan ayaysan xitaa faahfaahin ka bixinayn maadaama ay hawshooda ku tilmaameen mid qarsoodi ah.
Sweden ayaa bilihii la soo dhaafay walaac ka muujisay daandaansiga ruushka, iyadoo dhowr jeer ay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay ku soo xadgudbeen hawada Sweden. Inkastoo ruushka iyo Sweden aanay lahayn xuduud dhulka ah, ayay leeyihiin xuduud badda ah.
Ruushka ayaa dhul ku leh inta u dhaxaysa Poland iyo Lithuania, halkaasoo saldhig u ah maraakiibtiisa dagaalka.
Awooda difaaca ee Sweden ayaa la dhaliilay, iyadoo mudo 20 sano ah ay dowlada Sweden waday hoos u dhig ay ku samayso ciidamadeeda balse sanadihii dambe oo ay soo badatay xamaasada aduunka ayaa waxaa siyaaday dooda ku saabsan in Sweden ay siyaadiso awoodeeda ciidan. Hore ayaa taliyaha ciidamada Sweden u qirtay in haddii ruushka uu soo weeraro Sweden ay is difaaci karaan 1 isbuuc oo keliya.
Dhanka kale Dalkaj Ruushka ayaa ku andacoonaya Markabka Gujiska ah ee Biyaha Sweden ku soo xad-gudbay laga leeyahay Dalka Holland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
