Dharuuro:Oct,22,2014(SDN/QJ)-Kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab, ayaa xukun arjumaad ah ku fulisay Wiil dhalinyaro ahaa Gudaha Gobolka shabeelaha hoose, iyadoo lagu eedeeyey inuu Kufsi geystay.
Xukunka dhagax ku dilka, ayaa Dhacay shalay galabti, waxana uu ka dhacay deegaanka Dharuuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ninka lagu fuliyay ay Shabaabku magaciisa ku sheegeen Xasan Axmed Cali, oo 18 sano jir ahaa.
Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa sheegay in ninkan uu kufsi u geystay haweeney lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud, da’deeduna tahay 28 sano jir.
Waaliga, ayaa ku waramaaya in ninkan uu hore guur u soo maray, taasina ay ka dambeysay in xukunka dhagax ku dilka ah ay ku fuliyaan, isla-markaana uu Maxkamada ka hor qirtay in uu haweeneydaasi u galmooday.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu bidhaamiyay in haweeneyda la kufsaday ay xidhiidh la soo sameysay Maxkamadooda, ayna Maxkamadu u gudashada baadhitaanada la xidhiidha waxa ka jira kufsiga lagu soo eedeeyay ninkaasi. Ka dibna ay Maxkamadu xaqiiqsatay kufsigaasi, sida uu sheegay.
Maxkamada Shabaabka, ayaa amartay in ninkan uu bixiyo meherka gabadha asaageeda (Mahru Mithli). Wuxuuna Qadiga Shabaabku ku dhawaaqay in xukunka lagu fuliyo ninkaasi, iyadoo ay ka qayb qaateen dagaal-yahanada Shabaabka iyo taageera-yaashooduba.
25 maalmood ka hor, ayay ahayd markii Shabaabku ay haweeney ku dileen dhagax gudaha Degmada Baraawe, iyadoona gacan ku haynta Degmadaasi lagala wareegay 5-tii bishan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
