Uncategorized

Rakaabka Maraykanka Uga Imanaya Dalalka Gelbeedka Afrika Oo Loo Asteeyey Inay Shan Garoon Oo Kaliya kasoo Degaan

Washington:Oct,22,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Maraykanka, ayaa waxa ay soo saartay awaamiir cusub oo lagu soo rogay dadka ka imanaya dalalka xanuunka Eboluhu halakeeyey ee Galbeedka Afrika, kuwaas oo dalka Maraykanka soo gelaya.

jekWaaxda arimaha gudaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in dadka si toos ah uga soo duulaya wadamada Gini, Sirelyoon iyo Layberiya ee usocda Maraykanka in ay qasab ku tahay in ay kadagaan mid ka mid ah shanta garoon ee baadhitaanada caabuqa Ebola laga fulinayo.

Shanta Garoon ee rakaabka waddamada Galbeedka afrika ee Xanuunka Eboluhu aafeeyey loo ogol yahay inay kasoo degaan ayaa kala ah,JFK International Airport oo ku Yaalla New York, Newark International Airport oo ku yaalla New Jersey, Dulles International Airport oo ka Baxsan  Washington, Hartsfield-Jackson International Airport oo ku yaalla Atlanta iyo O’Hare Internal Airport oo isagu ku Yaalla Chicago.

Afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Marie Harf, ayaa sheegtay in go’aankaas fulintiisa ay bilaabi doonaan arbacadan maanta ah.

Dhanka kalena Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in daaweynta loo adeegsanayo tijaabada dhiig laga qaaday dadka Ebola ka soo kabtay inay diyaar ka noqon karto galbeedka Afrika isbuucyo gudahood.

Xubin xare oo ka tirsan WHO, oo lagu magacaabo, Dr Marie Paule Kieny, ayaa sheegtay in agabka loo diyaariyay in lagu hagaajiyo dhiig uu ku jiro unugyo Ebola, kaddibna loo bedelo tallaalo lagu caawiyo dadka qaba caabuqa Ebola.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com