Uncategorized

CALI GUREY:DOORASHO-DOON IYO DOORASHO-DIID

Hargeysa Oct 23,2014(SDN/QJ)-Guuddoomiyaha 3aad ee xisbiga mucaardka ah ee UCID Md Cali Gurey ayaa is barbar dhigay dhinacyada siyaaseed ee isku maan dhaafsan in dalka uu galo doorashooyin xor ah iyo in madaxweynaha mudada loo kordhiyo.

Gudoomiye Cali Gurey ayaa qoraal uu arinkaa ku eegayay waxa uu ku yiri” CAJAB! Anigu xeerka loo gudbiyay Guurtida ee loo qaybiyay waan hayaa lakiin lifaaqa la raaciyay ee la leeyahay isma laha maan arag. Xeerka laf ahaan tiisa wax aan diido kuma arag. Qodobadii mucaaridku ka biyo diideen waxay ugu dambaystii isugu soo urureen hal qodob oo ahaa qodobka 25aad oo labada doorasho isku dabrayay kiina waatii laga heshiiyay sidii lagu heshiiyay ayaanu ugu jira. Bal halka ay salaadu ka xidhmi l…a’dahay hadaba waa halkee?.
Marka aynu run ka hadlayno, kolay inta xogogaalka ihi way la socdaan in xiligan dagaalka ugu wayn ee siyaasaddu aanu ahayn mid u dhexeeya mucaaridka iyo muxaafidka xukuumadda lakiin waxa la odhan karaa wuxu u dhexeeyaa Doorasho-doonka iyo Doorasho-diidka, sida muuqata labaduba muxaafidkana way ku jiraan mucaaridkana way ku jiraan.
Marka ay doorashooyinka carqalad u dhigaan Doorasho-diidku dabcan Doorasho-doonkuna wuxu awoodiisa isugu geeyaa sidaa uu carqaladaa loo dhigay doorashooyinka uu uga hor qaadi lahaa ilaa uu ku guulaysto oo hadana mar kale mid kale loo dhigayo. Wakiilada iyo guurtida iyo xukuumadda inta kaga jirta doorasho diidku waxay arkayaan in hadii labadan arin ee Komishanka iyo Xeerku ay farahooda ka baxaan aanay jirin meel kale oo carqalad dambe ay uga dhigi karaan doorashooyinka waayo arimaha doorashooyinku markaa waxay gacanta u wada gelayaan oo hogaaminaya Komishanka Doorashooyinka.

Sidaa daraadeed doorasho-diidku waa cidiyo ku dagaalan oo dheg la qabto ma leh halka doorasho-doonkana aanay seeftoodu galka ku jirin diyaarna u yihiin, qiime kasta oy kelifayso in ay doorashooyinku qabsoomaan kal dambe hadii Alleh awooda lihi idmo. Waayo xaaladda dalku sida ay maanta tahay doorashadu waa xal doorasho la’aanina waa xal la’aan. Marka ay sidaa tahay miyaanay run ahayn in dooradho-doona xal doon yahay doorasho-diidna xal diid yahay. Hadaba, tuug ma xado laaxinna laga jari maayo; DOORASHO-DOONKU WAA INTA DAACADDA AH EE DANAYNAYSA DALKA IYO DADKA, DOORASHO-DIIDKUNA WAA KHAAYIMIINTA MACAAN JECESHA AH EEN DAL IYO DAD MIDNA DAN KA LAHAYN EE IYAGU TOODA UUN U JEEDA.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com