Ottawa Oct 23,20149SDN/QJ)-Nin Hubeysan ayaa Baarlamaanka Canada weerar ku qaaday isla markaana dilay askari aan hubeysneyn oo taagnaa goob aan barlamaanka ka fogeyn.
Michael Zehaf-Bibeau oo 32 jir ah ayaa la sheegay in uu ku dhintay weerarka uu ku qaaday isla markaana waxaan cadeyn in ay weerarka cid ku wehelisay iyo in uu aaminsanaa afkaarta ISIS.
Dawlada Canada ayaa ciidamo iyo duyuurado ku biirisay hawlgalada ka dhanka ah kooxda ISIS ee Ciraaq iyo Syria ka dagaalama.
Isla todobaadkan Isniintii ayuunbay aheyd markii nin dhawaan la sheegay in uu qaatay diinta Islamka uu gaari jiirsiiyay laba askari oo midkoodna uu dhintay,ninkii gaariga waday ayay askartu toogatay.
Baarlamaanka Canada ayaa ilaa caawa waxa ka socda hawlgalo lagu baarayo in cid hubeysani ku jirto qolalka faraha badan ee Baarlamaanka Canada.
Baarlamaanka Canada ayaa hore u ahaa ka uGu sahlan ee bulshadu booqato isla markaana ay u daawasho tegi jiraan dad aad u faro badan.
Waxaase hubaal ah in dhacdadani ay sababi doonto in la adkeyn doona sida lagu galo xeyndaabka Baarlamaanka iyo xafiisyada Xildhibaanada.
SDN/QJ-Ottawa
