Uncategorized

Cudurka Ebolaha Oo Lagu Sheegay Somali Turkiga Wax Ka Barata

Ankara:Oct,23,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo dalka Turkiga, ayaa sheegaya in qaar kamid ah ardayda somalida ee Halkaasi waxbarashada u joogta laga helay cudurka Ebolaha.

xiseWarkan, ayaa waxa Daabacday wakaalada wararka ee Turkiga Anadol, waxana ay tirada Ardayda somalida ee Xanuunkan lagu arkay lagu sheegay 3-qof, kuwaas la kala dhigay Cisbitaallo ku Kala yaalla gobolada kala ah Izmir , , Kahraman Marash , iyo Konya ee dalka Turkiga dadkaa oo laga cabsi qabo in ay qaadeen cudurka Ebola.

Mid kamid ah dadkan waa wiil Somali ah oo wax kabarta dalkaasi Turkiga kaas oo dhawaan usoo safray dalka Somalia dabadeedna usocdaalay dalka Saudi Arabia kahor inta aanay ku laaban wadanka Turkiga.

Dadka wadanka Turkiga cisbitaalada ladhigay ee laga cabsi qabo in ay qabaan cudurka Ebola ayaa gaadhay ilaa 5 ruux , 4 kamid ah waa dad kasoo laabtay waajibaadkii Xajka.

Hore waxaa lasoo wariyay in 45 cisbitaal loo qoondooyay 36 gobol oo wadanka Turkiga ah si looga hortago cudurka Ebola.

Dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah wadamada caalamka ee ay somalidu waxbarashada u doontaan ,walina Dowlada Turkiga ma aanay soo bandhigin magaca ardaygan somaliga ah ee xanuunka Ebola looga shakiyay isbitaalkana ladhigay.

Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa kusheegtay dadka Ebola ugu geeriyooday galbeedka Africa ilaa 4.,500 oo ruux waxaana wadamada uusaameeyay kamid ah Liberia ,Sierra Leone iyo , Guine

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com