Buhodle:Oct,24,2014(SDN/QJ)-Saraakiil sarsare oo katirsan Maamul-goboleedka somaliyeed ee Puntland, ayaa shalay soo gaadhay Magaalada Buuhoodle ee caasimadda Gobolka Buuhoodle, xilli aanay wali cid magaca somaliland sheeganaysaa si rasmi ah u cago dhigan halkaasi.
Waftigan reer Puntland oo ay xubno ka ahaayeen saareekiil ka kala tirsanaa Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka, Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA-Nesha, Khabiiro iyo Injineero dhinaca Waddooyinka ah, ayaa waxa lagu soo dhaweeyey meel Buuhoodle ka Baxsan, halkaas oo shacab iyo xubno Puntland Buuhoodle ugu magacaabani kaga hortageen.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland Eng Maxamuud C/nuur Aadan Dalab oo wafdigan ka mid ah, ayaa isagu sharraxaad Ka Bixiyey sida loo soo dhaweeyey, waxaana uu tilmaamay in ujeedka ay Buuhoodle u tageen uu yahay sidii ay Qiimayn ugu samayn lahaayeen Waddo 3 KM ah oo dhexmarta Magaalada Buuhoodle Taasi oo marar badan Cabashadeedu ay soo gaadhay Puntland.
“Waxaannu u soconay inaan Qiimayno waddo Magaalada Buuhoodle Gudaheeda Marta, wadadaasi waa 3 KM oo Badhtamaha Magaalada ah oo dadka, odayaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle ay in badan Cabasho ka muujinayeen Biyaha oo Magaalada dhex fadhiista iyo Bilicda Magaalada oo ay wax wayn u dhimi jireen,arrintaas baan u nimid, waxayna ka mid tahay ballanqaadkii Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ee ahaa in ay adeegga gaadhsiin doonaan guud ahaan Deegaanada Puntland” ayuu yidh Agaasime Maxamuud Cabdinuur.
Somaliland oo iyadu dhawaan Halkaas Gobol u magacawday ayaan wali ku Guulaysan inay masuuliyiinteedu halkaas tagaan, waxana wasiirka Gobolka kasoo jeeda oo ah Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye oo xilli uu halkaas gaadhay meel iskasii dhigay xilka uu somaliland ka Hayo, waxana uu magaalada Galay isagoo shakhsi caadi ah.
Wasiir xaglo-toosiye, ayaa intii uu kamidka ahaa xukuumadda madaxweyne siilaanyo sheeganayey inuu reer Buuhoodle wax badan u qabanayo, balse waxa sii xoogaysatay colaaddii dhex taalay beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud wada Dega, waxana maanta ay labada beelood noqdeen qaar kala irdhoobay oo aan isa soo dhexgelin.
Wali intii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada haysayma ay dhicin in ay wax mashruux ah ka hirgeliso deegaankaas, waxana odayaasha Buuhoodle ku Noole noqdeen qaar hanqalka u taagaya deegaanada Puntland oo aanay shaqo isku lahayn, maadaama ay siyaasad cad oo laddifan ka waayeen dhinaca xukuumadda somaliland.
SDN/QJ
