Uncategorized

Banka Qoolcaday iyo Dhibaatada ka Taagan

Maqaalkan waxaan doonayaa in aan kaga hadlo Mashruuca Seeraha ee Dowladu doonayso in ay ka hirgaliso Banka Qoolcaday ee dadkii deegaankuna ka soo horjeedaan.
Horta Mashruuca ujeedada laga leeyahay waa maxay, maxuuse faa’iido iyo khasaare u yeelan karaa degaanka iyo dalkaba.
Sida ku cad Project Proposal-ka Mashruuca
Ujeedada Mashruuca :
Mashruucu waxaa weeyaan in Banka Qoolcaday iyo Banka Aroori dhul seero ah laga xidho ka dibna xoolaha Somaliland ee la dhoofiyo lagu naaxiyo. Xoolaha la dhoofiyo ee la doonaayo in lagu naaxiyo Labada Ban marku Mashruucu sifiican u hirgalo waxaa lagu qiyaasi 2 milyan oo Adhi ah (sheep and goats). Qiyaasta xoolahana waxa la ka soo qaatey xoolihii sannadkii hore Dekada Berbera laga dhoofiyey oo lagu qiyaasey 2 milyan oo Adhi ah ( Goats and Sheep) hadaba qorshaha Dowladu waxa weeye in labada milyan ee Adhiga ah lagu naaxiyo Banka Qoolcaday iyo Banka Aroori.
Faa’iidada Xoolaha la naaxiyo:
xoolaha marka la naaxiyo waxaa la’aaminsanyahay in Dadka Deegaanka, Xoola Dhaqatada, Dowlada, Dadka Xoolaha iibiya, ku qala iyo reer Somaliland oo dhan ay ka faa’iidi. Ujeedada Mashruuca ee ugu muhiimsana horta waa taa. Dowladu xoolaha ladhoofiyo waxay ka heshaa cashuur iyo lacag adag( foreign currency).
Mar haddii Mashruucu faa’iido u leeyahay cid walba tallow maxay ku diidayaan dadka degaanka Qoolcaday. Intii aanan ka jawaabin su’aashan waxaan halkan idiin ku soo minguurinayaa hadal yar oo aan ka soo qaatay Proposalka Mashruuca. Sidan hoos ku qoran oo aan waxba laga badalin ayuu u dhigan yahay:
“The total Aroori grazing area covers about 50x60km = 3000km2. The foreseen size for the Aroori LHG ( Livestock Holding Ground) will be 10x20km = 200km2 or 6.7% of the total grazing area. Maximum half of this  3.35% of total Aroori grazing area) will form part of the strictly controlled LHG zone and not be accessible for livestock owned by local community.
Detailed data on the total size of the Qool-Caday grazing area were not available, but all informants agreed that it is either equal to or larger than the Aroori. This means that the 100km2 Qool-Caday LHG near Salaxlay town represents about 3% of the total Qool-Caday grazing area, with only 1.5% becoming part of the strictly controlled LHG zone.”
Haddaba markii aan darsay sifiicana u akhriyey Document-ka Mashruucan, markii dadka degaanka aan wareystay iyo waliba aniga oo aqoon u leh degaanka iyo cilmiga seeraha iyo beeraha, ayaa waxaan jecelahay in aan halkan idin kula wadaago dhibaatooyinka mashruucanu u kani karo degaanka.
Dhibaatooyinka uu degaanka u keeni karo:
1) Dadka Banka dega ee xoolahoodu daaqaan xagee la gaynayaa? Jawaab haddii aan loo haynin su’aashan Mashruucu wuu fashilmay intii aanu bilaaminba.
2) Banka Qoolcaday waa Ban yar oo lagu qiyaaso ilaa 300km2 marka laga reebo in yar oo Degaanka Baligubadle hoos tagta oo ayadu aan ku jirin qorshahan dhulka seeraha laga xidhaayo. Sida kor ku cad waxaa la yidhi boqolkiiba saddex ( 3%) baa la xidhayaa Banka Qoolcaday taasina waa been, ee 33% ayaa la xidhayaa.
3) 2 milyan oo Adhiyi waxay u baahan yihiin dhul dhan 63,000 hectare according to FAO. Labada ban dhulka laga xidhayaa marka la isu geeyo waa 30,000 hectare (10,000 hectare oo qoolcaday + 20,000 hectare oo Aroori ah). Waliba sida ku cad Documentka Mashruuca 15,000 hectare oo kali ah ayaa u gaar ah xoolaha la naaxinaayo. Sida ay aniga ila tahay bankan qoolcaday ujeedadii laga lahaa maba fulin karo.
4) Banka qoolcaday wuu leeg yahay amase wuu ka weyn yahay Banka Aroori ayaduna waa been sida kor ku cad.
5) Dhulka Somaliland manta meel banaani majirto haddii ay tahay dhul xooleed iyo haddii ay tahay dhul beereed iyo haddii ay tahay magaalaba. Xagee ayaa la gaynayaa dadkii iyo xoolihii dhulkaa ku noolaa.
6) Mashruucu hadduu u hirgalo una fulo sida qorsha loogu talagalay, dhulka inta seeraha laga xidhay mooyee ee degaanka ku xeeran oo dhan baa nabad guur ku dhici doonaa. Cuduro aan degaanka ka jirin baa xoolahaasi kale keeni doonaan. Tusaale, markii dadku Hargeysa ka qaxay tuulooyinkii ay ku qaxeen sidee ayey noqdeen. Xaabadii duleedka laga soo guran jiray markii dambe habeeno ayaa loo dhaxay, Saxaradii dadka iyo nadaafad xumadii ka dhalatay tirada dadka badan ee ku soo qaxay tuulooyin yaryar oo belaa musqulo ah – Cuduradii ka dhashay dad badan bay dileen. Tanina taas bay la mid tahay.
7) Hilibka iyo caanaha Hargeysa lagu cuno ee lagu cabo in badan baa ka timaada xoolaha lagu dhaqo Banka Qoolcaday.Dad badan oo Hargeysa ku nool ayey taaban doontaa dhibaatatada ka dhacda deegaanka Qoolcaday.
8) Xooluhu markay u dhacaan Seeraha ee maalin waLba la ganaaxo dadka degaanka ee xoolaha leh dhibaato weyn oo xasilooni daro ah ayaa ka dhicidoona deegaanka. Dabadeedna sidii Horeba la iskugu dilay ayaa imikana dhici doonta.
Anigu waxaan ku talinlahaa sida tan: Oodo dhacameed sida ay ukala sareeyaan ayaa loo kala guraa
Haddii aad talaabada 1 iyo 2 –baadba ka boodo oo aad u boodo tii 3 –xaad, waa marka u horeysee khaladka ugu weyni halkaa ayuu ka dhacay.
1) Waxay ahayd in horta dhulka Somaliland oo dhan dhulkii xooluhu daaqi jireen laga baabiiyo beeraha laga ootay.
2) Waxay ahayd in deegaanada ku wanaagsan xoola dhaqatada, lagu bilaabo oo laga fuliyo Mashruucan Wasaarada Deegaanku wado ee nabad guurka lagula dagaalamaayo.
3) Ka dib marka labadaa wax la sameeyo in deegaanada Seeraha laga sameynaayo inta si fiican loo soo darso ka dibna degaan waliba inta uu qaadi karo ee dadka deegaanku ka raalida yahay loo seero. Ugu yaaran fa’iidada laga helaayo mashruuc kasta oo deegaan laga fuliyo waa in 70% faa’iidada ay helaan dadka deegaanku.
Dadku madiidana in wax loo qabto ee waxay diidan yihiin mashruucan. Dadku waxay leeyihiin waa markii ugu horeysay ee dowladu tidhay wax ayaan idiin qabanayaa markiina waxay damacday in dhulkayagii dad gaar ah u xidho. Dowlada waanu soo dhaweynaynaa haddii ay keeneyso deegaankayaga mashruucyada sida kuwa beeraha, biyaha iyo infaayarmanka.
 Prof. Mohamed Dhinbil