Sida aan ka arkeynay warbaahinta kala duwan wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland md. Cukise waxa uu shaaciyay in suxufi kasta oo wadani ah oo ka howlgala warbaahinta dalka iyo tan dibadaba uu wasaaradiisa weydiisan doono liisan. Si uu fasax ugu helo mihnadiisa.
Amuurtan ayaa ah mid amakaag iyo anfariir ku noqotay dadweynihii daawanayay. Kadib markii wasiirkani uu goob fagaare ah lasoo istaagay hadal aanu umeel dayin. Kaas oo ay ka muuqato inuusan cidna kala tashan, wax daraasad ahna ka sameyn dhinaca xeerka uu sheegayo iyo fasiraadaha uu yeelan karo iyo dhibta ama caqabadaha ay arintani ku keeni karto xoriyatul qowlka iyo madaxbanaanida saxaafada ee dalkeenu ku dhaqmo.
Ficillada noocan ah ee lagu cabudhiyo saxaafadda madaxa bannaan waxa adeegsada oo lagu yaqaan xukuumadaha militariga ah ee kali-talisku hogaamiyo ee ma aha hab ay u macaamilaan dowladaha dimuqraadiyadda hirgaliya. Taas oo ay Somalilandna ku faanto inay dhaqangalisay haatan.
Waa gef iyo meel ka dhac loo geystay shuruucda caalamiga ah iyo kuwa madaniga ah ee qarankaba. Sababta oo ah wasiirkan kaligii taliyaha noqday waxa uu indhihii ka riday mas’uuliyadda wasaaradda
warfaafinta iyo xaqii aasaasiga ahaa ee muwaadinka.
Bal u fiirso marka uu leeyahay waxa aan u sameyneynaa liisan wariye kasta, waxa taas macnaheedu yahay hadii uuna wariyuhu shinbirayaalow heesa qaadin waxaan ka qaadeynaa ruqsada wariyenimo ama marka horeba waxaan eegaynaa qofka aan siineyno inuu yahay mid sacabka noo tuma oo guulwadeyn kara iyo inkale.
Ruqsadaha shaqo ee xirfadlayaashu waa wax sharci ah in ay dowlada dalkaasi maamushaa bixiso marka uu xirfadluhu buuxiyo shuruudaha laga rabo. Waxana taas looga baahan yahay in loo sameeyo Tusaale ahaan xirfadlayaasha caafimaadka, looyarada iwm. Laakiin saxaafadu wey ka madaxbanaan tahay sida xeerarka caalamiga ah ee ku dhaqanka dimuqraadiyadu dhigayaan.
Waxa kale oo xusid mudan in dastuurkeenuna uu caddeeyay in xeer kasta oo dalku yeelanayo la waafajiyo xeerarka caalamiga ah.
Sidaasi darteed ayay rintan oo kale waxa ay ceeb ku tahay xukuumad si dimuqraadiya lagu soo doortay, in ay ka xishoon weydo xoriyaadkii aasaasiga ahaa ayna tidhaahdo waan cabudhinaynaa cid kasta.
Runtii waxaa taas ka haboonayd inay siyaabo kale u waajahdo iyadoo daraasad sameyneysa si ay u ogaato baahiyaha dhabta ah ee jira ee ay saxaafadda dalku u baahan tahay. Iyo inay sifo kale oo wada tashi dhinacyo badan ah u furto ama in ay xirfad ahaan u dhisto dadka mihnadan ku hawlgala.
Sinaba uma banaana in dadka ka hawlgala saxaafada loo eego shuruud uu soo macmashay nidaamka talada haya. Taas oo ay ku doodi karaan waxaan u eegeynaa anshax ahaan iyo taqasus ahaan ama degree ahaan iwm. Waxana sidaas loo leeyahay inaan fikirka xorta ah ee saxaafadu noqon mid u habrada ruqsadda awgeed.
Hadii ay taasi suurto gashana waxay noqoneysaa in la waayo cid si madaxbannaan fikirkeeda u cabirta iyo cid xaqiiqada iyo waaqiciga wax ka sheegta toona.
Waxa kale oo ay talaabadani keeni kartaa khilaaf iyo muran balaadhan oo aan laga fiirsan laguna degdegay.
Waxa jira xeerar caalami ah iyo kuwo qaran oo damaanad qaadaya xuquuqda wariyaha kana hortagaya in lagu xadgudbo sifo kali-talisnimo ah lana cabudhiyo umadaha xorta ah.
Waxa hubaal ah in halganka xoriyatul qawlku yahay mid inta aan nool nahay jiraya, waayo waxa markasta yaala halgan u dhexeeya xumaha iyo samaha.
Hadaba si xal waara loo gaadho waxa haboon in hanaan wada tashi ku dhisan loo raadiyo dawada, iyadoo xaqiiqada dhulka taala laga duulayana wadajir loo baadi doono xeer adag oo dhaqan gal noqon kara. Waana in aan islawada fahano iyadoo lagu salaynayo xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee ku dhisan dimuqraadiyada.
In ay xaaraan tahay
ruqsad-siinta iyo xiitaa diiwaangalinta dadka ka hawlgala warbaahinta. Si bulshadu u hesho warar xaqiiqada ku dhisan oo madax bannaan.
Geesta kale marka aan u nimaadno dooda xukuumada oo ku andacooneysa in qofka wariye noqonaya lagu xidho shuruudo ay ka mid tahay shahaadooyin waxbarasho. Waxa isweydiin mudan kuwa masuuliyiinta sheeganaya ee dalka hogaamiya ee dowlada matala miyey ku yimaadeen hannaankaas? Waxan filayaa jawaabtu wey caddahay oo waa maya. Hadaa maxay doonayaan ileyn qualifications iyo professions xaalku ka weyne?
Si kasta ha ahaatee waxa aan u sheegayaa madaxweynaha JSL iyo masuuliyiinta kale ee indhaha qaba in go’aankan si degdeg ah looga noqdo. Iskana qabtaan kuwa xaalad abuurka iyo buuqa kula dhex jira.Waayo waxa uu dhawaaqani dhaawici karaa sumcada dowlada ee taabbo-gelinta dimuqraadiyad dhab ah.
Dhanka kale warbaahinta madaxa banaan waxan usoo jeedinayaa in ay beej madow oo maalinle ah u sameeyaan xaajadan ugubka ah ee uu shaydaanku ka yeedhsiiyay wasiirkan aan duniba war u haynin. Isla markaana cabashadooda gaadhsiiyaan beesha caalamka ama qaramada midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee xoriyaadka sidan oo kale ah u dooda.
Ugu dambeyntii si aanay god madow ugu dhicin rajadii Somaliland madax-bannaan, waa in dadweynuhu ay cod dheer ku diidaan go’aankan halista galinaya xoriyaadkii iyo qaranniimadii aynu nafaha badan ee aynu jeclayn ku weynay awgood.
ALLAA MAHAD LEH
By: Sakaria Abdi Sulub
past PR of the min. Of Inform.
And Senior journalist
Email: sekriasulub@gmail.com
Mob: +252 63-441-3932
