Uncategorized

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland oo wax lala yaabo ku tilmaamay in Xukuumada iyadu is xisaabiso

Garoowe Nov 08,2014(SDN/QJ)-Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland ayaa war ay saxaafada u qeybiyeen waxa ay ku dhaliileen hadal dhawaan uu maamul goboleedku ku sheegay in ay iyagi isla xisaabtami doonaan, Gollaha ayaa hadalkoodu sidan ahaa:

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, waxay ka jawaab celineysaa QODOBO lagu soo qaadey warsaxaafadeedkii lanbarkiisu ahaa XF/0035/2014 isla markaana lagu faafiyey shabakadaha Wararka Fidiya Qaarkood ee ka hawl gala Puntland iyadoo ilaa 7 qodob lagu soo qaadey.

Hadaba Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, iyadoo tixraaceysa Warsaxaafadeedkaas waxaa u muuqatey dhowr arimood oo la yaab nagu noqotey in HADA laga hadlo iyadoo Puntland ay jirsatey 16 Sano!

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP Markey daraaseysey Qodobka lagu magcaabey Qorshe Hawleedka Dowlada isla MARKAANA lagu sheegey IN DOWLADU ay ISLA XISAABTANO! Isla markaana ku faantey iney tahay Xukuumadii u horeysey oo ISLA XISAABTANTA.

Hadaba waxaanu u cadeyneynaa Shacabka Puntland ineysan jirin Xukuumad iyadu ISKEED ISULA Xisaabtanta ee waxay Xukuumad walba ama Dowlad walba ay leedahay Hay’ado Qaran oo ka masuul ah isu Dheelitirka iyo la xisaabtanka Xukuumadii markaa jirta, waana SHARDI KA MID AH MAAMUL WANAAGA.

Sidaa awgeed waxaanu ku baaqeynaa hadaanu nahey Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, in la dar dar geliyo Hay’adaha u xilsaaran arintaas iyadoo hay’adahaasi Qaran ka madax banaan yihiin Xukuumada.

Qodobka Xiga ee ay Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, daraasada ku sameysey isla markaana Warsaxaafadeedka ka mid ahaa waa Qodobka lagu sheegey Siyaasada Dowlada ee ku aadan Dadka Dulman!

Hadaba Waxaanu aad u canbaareyneynaa in Qodob soo gelaya GARSOOR iyo Cadaalad in Baaq yar ama warsaxaafadeed yar lagu soo koobo, waana indho iska tirka ee Xukuumada Hada talada heysa ay ku caan baxdey intey jirtay.

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, waxa uu cadeynayaa in Shacabka Puntland uu dulmigu saameeyey iyadoo dulmigaasina kasoo bilowdey aas aaskii Puntlad iyadoo dhamaan xukuumadihii isaga wada danbeeyey ay ka indho qarsadeen dulmiga gundhiga u noqdey Puntland.

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP waxa uu markale ku baaqayaa in SAXITAAN LAGU sameeyo AWOOD qeybsiga Puntland si loo helo CADAALAD si ay cid walboo DULMAN xaqeeda u hesho, Saxitaankaasina ka bilaabnaya Qaab dhismeedka Golaha Wakiilada.

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumada iney jaah wareerinta ka dayso shacabka Puntlad ee u haraadan Cadaalad dhab ah ee ka hana qaada Deegaanka Puntland iyo dhoo dhoobida Warsafaaxadeedyo aan micno weyn ku fadhiyin.

Waxaa isla Qodobkaas ku xusan in Garsoorka Puntland ka shaqeeya in 58% aysan haysan AQOONTII Garsoornimada! Taasi waa arinta aanu Baaqyada hore uga soo saarney, Waa waajib in Garsoor aqoon iyo khibrad leh la helaa.

Waxaan kaloo cadeyneynaa hadaanu nahay Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, ineysan dhici doonin in la helo Garsoor sax ah isla markaana madax banaan hadaan Cadaalad iyo aqoon lagu soo xuleyn Garsoorayaasha Puntland ka hawl gala.

Sidaa awgeed waxaanu ku celineynaa Markale ku baaqeynaa:

1.Iney Waajib Dastuuri tahey in Cadaalad,Sinaan, Hufnaanloo wada qeybsado Awooda iyo Talada Dowlada Puntland iyadoo sidoo kalena lagu dhaqmayo dhaartii ay wada mareen Dhamaan labada Gole ee Xukuumada ay ka kooban tahey Golaha Wakiilada iyo Golaha Fulintuba, Ilaaheyna Kitaabkiisa ku yiri [ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَوْفُوا بِالْعُقُودِ], Sidoo kalena Suubanihii Nebi Maxamed NNKH yiri [المسلمون على شروطهم] isla markaana Waajib ka dhigeysa ku dhaqanka waxii lagu heshiiyey laguna dhaartey.

2.Iney Waajib dastuuri ah tahey dhowrista iyo ilaalinta Xuduudaha degmooyinka, Gobolada isla markaana lexjecleysi hal degmo ama hal gobol la joojiyo.

3.Iney Waajib dastuuri ah tahey in sinaan, cadaalad, hab dhaqan suuban oo hufan lagu xulo dhamaan Shaqaalaha Dowlada Puntland iyadoo meesha laga saarayo eexasho qabiileed iyo kan baa ixiga.

4.Iney waajib dastuuri ah tahey in garsoor si hufan u shaqeeya lawada gaadhsiiyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dowlada Puntland iyadoon laga reebeyn Hal degmo.

5.Iney waajib Dastuuri ah tahey in garsoorku noqdo mid si dhab ah u madaxbanaan aysanna iska soo magcaaban hadba cidii xukunka Dowlada Puntland haysa.

6.Iney Waajib Dastuuri ah tahey in loo madax baneeyo Gudiyada Cadaalada ee Golaha Wakiilada iney daba gal ku sameeyaan Laamaha Garsoorka ee Dowlada sare loo qaado tayada garsoorka, sida (aqoonta, dhaqaalaha iyo qalabka)

1.In waajib tahey in Xeer-ilaalinta Guud ay ka madaxbanaanaato Guddiga Caddaalada, isla markaana xafiiska Xeer-ilaalinta Guud yeesho madaxbanaani uu ku gudan karo xilkiisa

2.In garsooryaasha iyo kaaliye-yaashu helaan xuquuqdooda oo dhamaystiran inta ay shaqada ku guda jiraan iyo marka ay shaqadda waayaanba, gaar ahaan xagga dhaqaalaha iyo nabadgalyadaba.

3.Iney waajib tahey in la abuuro Guddiga la-tashiga garsoorka dadweynaha (xeerbeegti) iyo Iney waajib tahey in dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka si loo xaqiijiyo madaxbanaanida garsoorka

 

Wa Billaahi Tawfiiq.

Xogheynta Warfaafinta

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland

Midnimo ● Cadaalad ● Horumar