Muqdisho:Nov,09,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho, ayaa lagu qabtay dood la xidhiidha mashaariicdii lagu samayn lahaa Lacago 38-Milyan oo Euro ah oo xukuumadda Jarmalku soomaalida siisay muddo haatan laga joogo 33-sano ah, taas oo haatan la siinayo.
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, khuburo la soo shaqeeyay dowladdii dhexe, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Jarmalka iyo maamulka Gobolka Benaadir, waxa ayna isku dhaafsadeen fikirro ku aadan meelaha ugu muhiimsan ee looga baahanyahay in lacagaasi lagu bixiyo.
Markii uu kulanka soo dhamaaday kaddib waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiir ku-xigeen Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo sheegay in waxyaabo badan la isla meel dhigay oo ay ka mid yihiin wax soo saarka beeraha, biyo xidheenada webiyada iyo dhismaha buundooyinka.
“Kulan la isugu yimid waxa uu ahayd in laga wada tashado deeq ay bixisay dowladda Jarmalka oo sanadkii 1979-kii dowladdii dhexe la siiyay, lacag ka hadhay oo aan hadda soo celinayay, waxaana ka wada hadalnay in meelaha ugu muhiimsan aan ku bixino” ayuu yidhi Prof Qaloocoow.
Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa xusay in sameeyeen guddi farsamo oo turxaan bixin doono waxyaabaha la doonayo in lagu fuliyo deeqdaasi lacageed ee ay ka arrinsadeen, waxaana guddiga ku jira qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradaha dowladda iyo khuburo.
“Waxaa arrintan loo saaray guddi farsamo oo uu Madax ka yahay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta mudane Diirshe, isla markaana ay maanta soo dhameystiraan waxyaabaha laga wada hadlay, iyadoo go’aanka kama dambeysta ah ay qaadan doonaan Wasiirada, laguna uruurin doono xafiiska Ra’iisul wasaaraha” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeen Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow.
Kulankan ayaa imanaya xilli dowladda Jarmalka ay shaacisay in 13-ka bishan ay gudaha dalka u soo direyso wafdi qiimeyn ku sameeya qorshaha ay xukuumaddu ugu talagashay in kaalmadaasi lacageed lagu fuliyo.
SDN/QJ
