Uncategorized

Maal-qabeen Carbeed Oo Lacago Xad-dhaaf ah Ku Baayacay Gaadhiga Madaxweynaha Adduunka Ugu Faqiirsan

Montevideo:Nov,09,2014(SDN/QJ)-Maal-qabeen carbeed, ayaa la sheegayaa inuu lacago xadka ka baxsan ku Baayacay Gaadhiga Madaxweynaha Dunidan aynu joogno ugu faqiirsan oo ah Jose Mojica oo  Hoggaamiya Dalka Uruguay.

montGaadhigan ayuu madaxweynahani Muddo badan watay, waxana uu yahay nooc aan haatan dunida si weyn looga adeegsan oo laga baxay, isla-markaana ay dadku si gaar ah u daawadaan marka ay arkaan.

Ninkan Ganacsadaha Carbeed ah ayaa la sheegay in lacag dhan hal milyan oo dollar, uu u gaadhay Gaadhiga Duugoobay ee Madaxweynaha Dalka Uruguay, gaadhigan ayaana nuuciisu waxa uu yahay Volkswagen Betel beetle waxaana gaadhigan lasoo saaray sanadii 1978-dii,

Gaadhigan ayaana ah hantida kaliya uu leeyahay Madaxweynaha Dalka Uruguay, Jose Mojica, waxaana la sheegay guriga uu dagan yahay iyo beerta ku dhaxtaalo ay tahay hanti ay leedahay xaaskiisa balse isagu hantidiisa uu ka dambeeyo gaadhigan duqoobay.

Madaxweynahan ayaa ah midka aduunka ugu faqiirsan, waxana uu mushaharkiisa siiya dadkiisa nolosha hoose ku  nool, waxana laga hadal hayaa adduunka oo dhan.

Lama garanayo Go’aanka uu madaxweynahani ka qaadan doono dalabka loosoo gudbiyey, waxase hubaal ah Hadii uu lacagtaas qaato inuu ku biiri doono dadka dunida ugu lacagta Badan, isla-markaana aanu dib dambaysa unoqon doonin madaxweynaha duniga ugu saboolsan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com