Washington Nov 09,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha maamulka aan caga dhigan ee Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka waramay xiriir wadahadal oo dhex mari kara isaga iyo Jamhuuriyada Somaliland.
Cali Khaliif oo ka waramayay xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Washington waxa uu uga waramay sida uu diyaarka ugu yahay wadahadal uu la yeesho Somaliland.
“Haddii maamulka Somaliland uu diyaar u yahay wada-hadal,annaguna diyaar ayaan u nahay mana qarsanayno, oo maaha wada-hadal meelaha lagula dhuumanayo,waayo hadda ayay yidhaahdaan annaga iyo Khaatumo wada-hadal ayaa noo socda, waa been ma jiraan wax wada-hadal ah oo noo socda. Ciidamada Somaliland waa inay ka baxaan dhulka Khaatumo,” ayuu yiri Cali Khaliif oo ka hadlay xaflada soo dhaweynta.
Cali Khaliif ayaa sidoo kale waxa uu meesha ka saaray wadahadal uu la yeesho maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.
“Qolada leh Dastuurka waxaa iigu qoran Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn aniga ayaa maamulkaa oo iska leh, waxayna intaas ku dareen in haddii dadka afti laga qaado ay 90% ay maamulkooda taageersan yihiin. Marka aniga iima muuqdo wada-hadal i rajo gelinaya oo annaga iyo Puntland na dhexmari kara.” Ayuu yiri Cali Khaliif.
Cali Khaliif ayaa Mareykanka dib ugu soo noqday ka dib kolkii maamulkii uu ku sameeyay hawdka uu sal dhigan kari waayay, isla markaana laga soo musaafuriyay dalka Itoobiya.
SDN/QJ-Washington
