Uncategorized

“Xukuumadani Waa Faqash Oo Waa Faqash, Laakiin Waa Faqash Aynu Ku Ridi Karno Sanduuq Iyo Warqad” Mujaahid Cali Guray DAAWO

Hargaysa 10.Nov 2014 (SDN/QJ)- Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahnaGuddoomiye ku-xgeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray),ayaa Xukuumadda Talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay in ay taha Faqash taasoo uu tilmaamay in lagu ridi karo farta oo uu uga jeedo codka doorashada kal dambe.

Mujaahid Cali-Gurey oo maanta ka hadlayay Xaflad loo sameeyey xuska maalinta xoriyatul-qawlka Saxaafadda Somaliland , kuna beegan Geerida Aabihii Saxaafadda Somaliland Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo lagu qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa waxa uu yidhi “Meesha uu dalkani marayaa waa meel aad u xun oo khatar ah, tacabkii umaddani soo gashay sodon sanadood oo dhadhow, Wax alaaliyo wixii aynu tacab soo galnay waxa uu qarka u saaran yahay in Gacmaha Madaxweyne Axmed-SIILAANYO lagu burburiyo, cidda burburinaysa haddii aanay isaga ahayn waxay adeegsanaysaa awoodihii dastuuriga ahaa ee sharcigu siiyay madaxweynaha.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com