Uncategorized

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Ugaas Axmed Ugaas

Muqdisho: Nov 09, 2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaha ha u naxariistee Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo maanta ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. Ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa yiri. “Ugaaska wuxuu qeyb xoog leh ka soo qaatay samata-bixinta umadda Soomaaliyeed iyo aas-aaska dowladnimadda” .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa EEBBE uga baryey Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali inuu janadii fardoowsa ka waraabiyo. AMIIN

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com