
Hargaysa 09.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa isku shaandhayn Kooban ku sameeyay qaar ka mid ah Madax qaybeedyada Wasaaradiisa .
Wasiirku Wuxuu Maamulaha Idaacada Radio Hargaysa u Magacaabay Maxamed Siciid Muxumed oo dhawr jeer soo qabtay Jagadan halka uu Siciid Aadan Cige oo ahaa Agaasimihii Idaacada u Magacaabay Xil Cusub oo ah Agaasimaha Idaacadaha .
Sidoo kale Waxa uu Weriye Abiib Iimaan Xasan oo ahaa Madaxii Barnaamijyada Idaacada Radio hargaysa u Magacaabay Madaxa Wararka Telefishanka Qaranka iyadoo Madaxa Barnaamijyada Radio Hargaysana uu u magacaabay Weriye Sakariye Axmed Muxumed.
Geesta kale Wasiirka Warfaafintu waxa uu xilka Taliyaha Wasiirka u Magacaabay C.laahi Aadan Cumar Wayab oo dhawaan Shaaciyay inuu iska casilay Tifaftirihii Guud ee Telefishanka HCTV ,Halka uu sidoo kalena Dib u Magacaabis ku sameeyay Maxamed Axmed C.laahi “Shabeel” oo ahaa Maamulaha Idaacada Qur’aanka Kariimka .
Wasiir Cukuse ayaa u rajeeyay Madaxdan Cusub inuu eebbe u fududeeyo Xilka loo igmaday waxaanu Wasiir ku xigeenkiisa iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta ka dalbaday inay sida ugu dhakhsiyaha badan Xilalka ugu kala wareejiyaan Mas’uuliyiintan.
Hargaysa SDN/QJ
Haargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com
