Uncategorized

Masaarida Oo Ku Baaqday Shir Degdeg ah Oo Lagu Suulinayo Khilaafka Madaxda Soomaalida

Qahira:Nov,10,2014(SDN/QJ)-Iyadoo uu jiro khilaaf Dunidu aanay jeclaysan oo u dhexeeya Madaxda Dawladda Somalia ugu sarraysa, ayaa waxa sidoo kale soo kordhaya baaqyada  laga soo saarayo dhibaatada soomaalida Haysata.

dogeDowlada Masar  oo haatan horboodda Jaamacadda Carabta, ayaa ku baaqday in la qabto shir deg deg ah oo isugu imaanayaan xubnaha joogtada ka ah Ururka Jaamacada Carabta iyo waliba mas’uuliyiin ka socota Dowlada Soomaaliya kaasi oo looga xaajoonayo muranka siyaasada Ee Soomaaliya Ee sababay inay iska hor yimaadaan Xasan Sheikh iyo Ra’iisal wasaare C/wali Sheikh Axmed.

Kulanka oo shir gudoomin doono wasiirka arimaha dalka Masar Sameh Shoukry,islamarkaana ay ka soo qeyb galayaan wafdi ka socda wakiilada joogtada ee Ururka Jaamacada Carabta ayaa muhiimadiisa waxay tahay sidii loo dhex dhexaadin lahaa Labada mas’uul ee dalka ugu sareysa ee kala geysay siyaasada,loona dhiiri gelin lahaa rajada ah in 2016-ka la qabto doorasho xor ah oo ka dhacda Somalia.

Gudiga ka qeyb galaya shirka ayaa waxay ka kala imanayaa dalalka Soomaalia,Masar,Jordan,isku taga imaaraadka Carabta, Tunisia, Algeria, Djibouti, Saudi Arabia, Sudan, iyo wafduud kale oo caalami ah.

Waxaa socda dadaalo ay wadaan beesha caalamka oo lagu qaboojinayo khilaafka Labada mas’uul,inkastoo madaxda Dowlada hore warbaahinta ugu sheegeen in beesha caalamka faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya,islamarkaana Somalida ay ku filan yihiin sidii arintaan loo saldhigi lahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com