Muqdisho:Nov,10,2014(SDN/QJ)-Qarax Loogu xidhay Gaadhigiisa, ayaa waxa uu dhaawac culus gaadhsiiyey Wariye Nuure Maxamed Cali oo ka Hawlgeli jirey Idaacado ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Gaadhiga wariyuhu watay oo ahaa Nooca ZUSUKI-ga loo yaqaanno ayaa ku qarxay Isgoyska KM4, waxana la sheegay in xaaladdiisa caafimaad tahay mid liidata.
Wariyaal ka tirsan Radio Kulmiye oo Isbitaalka Madiina ku sugan ayaa soo sheegaya in Wariye Nuure Maxamed Cali Dhaawaca uu ka soo gaadhay qeybaha danbe ee Jirkiisa,waxaana ay noo xaqiijiyeen Wariyaashu in Lugta midig ay Go’day.
Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa hada la tacaalaya Dhaawaca Wariye Nuure Maxamed Cali oo Xalay Muqdisho lagu Dhaawacay.
Dhawaan waxa dhaawac toogasho ka dhashay Muqdisho loogu geystay Wariye Cabdirisaaq Black oo kamid ahaa Bahda Tv-ga Somali Channel, kaas oo xaaladiisa caafimaad wali liidato.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
