Uncategorized

Laba Mashruuc oo lagu soo Kordhiyay Madaarka Caasimada iyo Khudbad uu Madaxweyne ku Xigeenku ka Jeediyay DAAWO

saylici-300x199Hargaysa 11.Nov 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  xadhiga ka jaray Dhismaha Baarkino loogu tallo galay inuu qaado in ka badan laba boqol oo gaadhi oo laga hir galiyey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay Wehelinayeen Wasiiradda Wasaaradaha Duulista iyo Hawadda iyo Hawlaha guud ayaa sidoo kalena kormeeray hawl gal dhoola tus ah oo ay samaynayeen hawl wadeena dabka la tacaala ee Madaarka Cigaal oo tababar heer sare ah loo soo gabagabaayey.
Munaasibad kooban oo arrimahaais loo qabtay oo  ka dhacday Garoonka Cigaal ayey masuuliyiintaasi ka hadleen ka dib markii ay Fureen Mashaariicdaasi, sidoo kalena ay kormeereen waaxda dabdamiska iyo qaybo ka mida Madaarka Cigaal.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com