Washington Nov 11,2014(SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Bill Clinton ayaa noqday madaxweynihii u horeeyay ee kala qaada Soomaaliya iyo Somaliland mar uu ka waramay xaflad lagu dhiiri gelinayay mashaariicda horumarineed ee uu maareeyo.
Madaxweynaha ayaa marka uu khudbada Jeedinayay waxa garab taagnaa fanaanka Soomaaliyeed ee K’naan oo inta badan u ololeeya dawlad dhexe oo fadhigeedu noqdo Muqdisho.
