Uncategorized

Al-shabaab Oo Sheegatay Dilalkii Shalay Muqdisho Ka Dhacay Oo Bulshada Baqdin Ku Abuuray

Muqdisho:Nov,12,2013(SDN/QJ)-Ururka Islaamiga ah Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarro kala dambeeyey oo shalay ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood  lagu laayey ciddii loola dan lahaa,  halka qaar kalena aanay sidii la doonayey u fulin.

shabaaabAfhayeenka Howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkii lagu dilay Taliyihii Waaxda Socdaalka garoonka diyaaradaha ay iyagu ka dambeyeen, isagoo xusay inuu yahay sarkaal ay soo tababareen reer galbeedka sida uu sheegay.

“Mujaahidiintu waxay Muqdisho ku dileen taliyihii waaxda socdaalka ku magacawnaa wuxuu ahaa Nin ay soo tababareen Interpol”ayuu yidhi Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahinta afka Shabaab ku hadla.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weeraro kale ay shalay ka fuliyeen magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa weerar la doonayay in lagu khaaraijiyo Xildhibaan Dhalxa oo uu ka bad baaday, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen laba ruux oo darawalkii gaadhigiisa ahaa iyo nin ilaalo u ahaa.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan ay ka wadaan magaalada Muqdisho howl gallo ka dhan ah saraakiisha dowladda, wuxuuna soo hadal qaaday weeraro kale oo ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baraawe oo ay ciidanka AMISOM ku weerareen.

Duhurnimadii shalay ayay aheyd markii dabley hubeysan ay agagaarka Isgoyska KM4 oo ah halbowlihii magaalada ku dileen Taliyihii waaxda Socdaalka ee garoonka diyaaradaha, iyadoo ay baxsadeen dableydii weerarkaas geysatay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com