Uncategorized

Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Farta Ku Fiiqay Wadadda Kaliya ee Khilaafka Lagu Suulin Karo

Muqdisho:Nov,12,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Dawladda Federalka Somalia Cabdiweli sheikh Axmed markii ugu horraysay farta ku fiiqay xalka kaliya ee loo hayo Khilaafka Hoggaanka dalka ragaadiyey.

ra'iisal wasaareRai’sal wasaare Cabdiweli waxa uu sheegay in khilaafka jira lagu xallin karo  isqancin iyo wada xaajood ay yeeshaan cidda is khilaafsan oo ah Isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee noocan ah uu dalka u horseedi karo in aan si wanaagsan loo xaqiijin Hiigsiga 2016, oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho ay ka qayb qataan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee la soo dhaafay colaado, abaaro, qalalaaase siyaasadeed oo u horseeday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka. Anagoo ka tusaale qaadanayna dhibaatooyinkaas na soo maray, waa inaan dhamaanteen u wada istaagno samatabixinta dalka iyo dadka. Waana in aan meel uga soo wada jeedsano sidii aan u ilaalin lahayn ku dhaqanka dastuurka KMG iyo sharuucda kale ee dalka u yaala” ayuu yidhi RW Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yidhi “ Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u tudhid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.”

Mar uu ka hadlayay arrimaha hada socda ayuu sheegay inay saameyn karaan nabad ku soo dabaalida dalka iyo cidhibtirka argagaxisada, hirgalinta iyo xaqiijinta nidaamka federaalka. Waxaa sidoo kale mudan in la tixgaliyo lana dhiiri galiyo dadaaladda beesha caalamku ee ku aadan dib u dhiska dalka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016-ka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in awooda dhan la isugu geeyo taaba galinta howlaha qorshaysan ee lagu gaadhsiinayo dalka doorashooyin xor ah oo ka dhaca sanada 2016.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa 25-kii bishii la soo dhaafay soo kala dhex galay kala aragti duwanaan xoogan, kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, iyadoo Madaxweynuhuna uu waxba kama jiraan ku tilmaamay isku shaandheyntaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com